28.4 C
Mogadishu
Monday, January 19, 2026

Wasiirrada DF Soomaaliya iyo wafdi ka socda Turkiga oo tegay furimaha hore kadibna…

Bookmark
Bookmarked

Share

Afgooye (Caasimada Online) – Wafuud kala duwan oo ka kala socda dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta gaaray furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan dhinaca gobolka Shabeellaha Hoose oo ay haatan ka socdaan howlgallo xoreyn ah.

Wafdigan oo ay qayb ka yihiin wasiirrada gaashaandhigga, arrimaha gudaha, saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka, kuwa AUSSOM iyo mas’uuliyiin ka socota safaaradda Turkiga, ayaa waxa ay tageen deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee gobolkaasi.

Sidoo kale, mas’uuliyiintan ayaa si wadajir ah xariga uga jaray buundada muhiimka ah ee Sabiib iyo Caanoole oo dib u dayactir ay lagu sameeyay dowladda Turkiga.

Buundadan oo dayactir lagu sameeyay ayaa muhiim u ahayd isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Masuuliyiinta ayaa tilmaamay in furitaanka buundada ay sare u qaadi doonto dhaqaalaha, amniga, iyo isku socodka bulshada deegaanka, waxaana ay dhanka kale ballan qaadeen in mashaariic kale oo horumarineed laga fulin doono guud ahaan gobolka Shabellaha Hoose.

“Waxaan maanta ku faraxsanahay in lix bilood kadib aan xarigga ka jareyno Buundada Sabiib iyo Caanoole, cadowgiina ka adkaanay.” ayuu yiri Sahal Cabdullahi Cumar oo ah taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Buundadan ayaa waxaa horay u burburisay kooxda Al-Shabaab oo gacanta ku haysay deegananadaasi, balse haatan laga fara maroojiyay.

Turkiga ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee dhinaca milatariga ka taageero dowladda Soomaaliya, wuxuuna ka qayb-qaataa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

- Advertisement -

Read more

Local News