27.8 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

DF oo qaaday tallaabo la xiriirta xiisadda Boorama

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Federaalka Soomaaliya oo faafin deg-deg ah soo saartay ayaa ka hadashay xaaladda adag ee ka taagan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo saacadihii ugu dambeeyay ay ka dhaceen banaanbaxyo rabshado wata oo sababay dhimasho iyo dhaawac, kadib markii ay isku dhaceen ciidanka Somaliland iyo shacabka.

Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya oo iyadu bayaankan soo saartay ayaa marka hore sheegtay inay ka xun tahay waxa ka socda Boorama, waxayna sidoo kale tacsi u dirtay dadka ku dhintay shaqaaqadaasi.

Sidoo kale waxa ay farriin u dirtay xukuumadda Somaliland oo ay ugu baaqday in loo turo shacabka, lana dhageysto tabashadooda, si loo xalliyo.

“Waxaan ugu baqeynaa maamulka Somaliland in ay u turaan shacabka deegaanka, in la dhageysto, lana ixtiraamo dareenkooda” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda.

Dowladda Dhexe ayaa intaasi ku dartay inay ka qayb qaadaneyso gurmadka dadka ku waxyeeloobay rabshadaha ka dhacay halkaasi.

“Dawladda Federaalka waxay diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato taakuleynta dhaawacyada u baahan gargaar caafimaad” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.

Rabshadaha Boorama oo soo bilowday xalay kadib markii xukuumadda Somaliland ay ku dhawaaqday inay fasaxday bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac ayaa waxaa ku dhintay 16 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 60 kale.

Xiisadda ayaa ka dhalatay fasaxa bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac, kaasi oo beelaha Gadabuursi u arkaan mid looga sheeganayo dhulkooda, halka Ciise uu qabashada bandhigan u arko mid uga adkaaday beelahan, oo iyagu isku hayaan deegaankaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News