Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Ayub Ismaaciil Yuusuf ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee dowlad-goboleedka Galmudug.
Wafdiga wasiirka ayaa ka kooban hawl-wadeennada wasaaradda, mas’uuliyiinta mashaariicda, khubaro iyo la-taliyeyaal farsamo oo qayb ka ah howlaha horumarinta kaabeyaasha dalka.
Mas’uuliyiinta Galmudug ayaa wafdiga si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb. Soo dhaweynta waxaa ka qayb-galay Wasiirka Hawlaha Guud, Wasiirka Amniga, Wasiirka Qorshaynta, Wasiir Dowlaha Arrimaha Gudaha iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiirka ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb dhagax-dhigi doona dhismaha waddada muhiimka ah ee isku xirta magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.
Mashruucan ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato fududeynta isu-socodka dadka iyo gaadiidka, isla markaana kor u qaado ganacsiga iyo isku xirka bulshada deegaannadaas.
Hirgelinta mashruuca waxaa maamulaya hay’adda RIPS oo hoos timaada Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Mashruuca waxaa maalgelinaya Bangiga Horumarinta Afrika iyo Midowga Yurub, iyadoo Wasaaradda Hawlaha Guud ay sii xoojin doonto dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadista adeegyada bulshada dalka.











