Wafdi ka socda Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeelle oo gaaray Baladweyne

Baladweyne(Caasimadda Online)-Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa maanta gaaray wafddi uu hoggaaminayo wasiirka maaliyadda maamulkaasi  Maxamed Maxamuud Cabdulle .

Wafdiigan waxaa qeyb ka ah Xubno ka socda  Sanduuqa Horumarinta Soomaaliya ee ASSF,waxaana ay Magaalada u tageen in ay la kulmaan Ganacsatada iyo Dadka degaanka ee ay dhibaatada ka heysato shilinka Soomaaliyaga oo ka joogsaday Madaalada Baladweyne.

Guudoomiye ku xigeenka aminga iyo siyaasadda Gobolka Hiiraan Xuseen muumin Cismaan iyo Guudoomiyaha degmada Baladweyne  Maxamed cismaan Cabdi Qalafow ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin imashaha wafdigan u horkacayo Wasiirka Maaliyada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee yimaadan baladweyne.

Wasiirka Maxamed Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in ay la kulmi doonaan  qeybaha kala duwan ee bulshada inta ay  joogan Magaalada Baladweyne,islamarkana hadafka ay u yimadeen ay tahay sidi loo ogaan laha baahiyaha ay qaban bulshada ku nool Magalaada Baladweyne kadibna loo fulin laha mashaariic lagu horumarinayo Magalaada.

wasiirka oo warbaahinta kula hadlay Baladweyne ayaa sheegay in ay ukuurgalayaan  qaabka loo fulin karo Mashaariic uu Madaxweynaha Maamulkaasi kaga dhawaaqay Gobolka Hiiraan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com