Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Oo Maanta U Ambabaxay Dalka Switzerland

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland,isagoo ka qeyb gali doona shirka dhaqaalaha adduunka oo halkaasi k furmi doona dhawaan.

Wefdiga Ra’iisul Wasaaraha oo ay qeyb ka ahayeen  mudanyaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa Garoonka kasii sagootiyay Xubno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Shirkaan lagu wado in uu Ra’iisul Wasaaraha ka qeybgalo ayaa waxa uu socon doonaa mudo Saddex Maalmood ah,waxa uuna yahay markii ugu horeysay oo ay madax ka socota dowladda ka qeybgasho mudo 30 sanadood ah .

Shirkani muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya maadaama ay ka qeybgalayaan hoggaamiyaal ka kala socoda wadamada ku horumaray dhinaca Dhaqaalaha oo uu kujiro Mareykanka waxaana lagu casuumay Soomaaliya iyo wadamo kale oo Afrika kamid ah qaar kood.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa inta uu ku sugan yahay dalkaas waxa uu lakulmi doonaa madax badan oo Afrikan ah oo shirkaas ka qeybgaleya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com