Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, iyadoo loo sii galbiyay Madaxtooyada Somaliland. Wafdigan ayaa loo sameeyay soo dhoweyn heer sare ah.
Xogo soo baxaya ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil iyo wafdiga uu horkacayo ay safar qarsoodi ah ku tegayaan magaalada Berbera, halkaasi oo saldhig milatari laga siinayo Israa’iil.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa isna tegaya magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, si loo dhameystiro wejiga koowaad ee heshiiska Israa’iil ay dhawaan la gaartay Somaliland.
Socdaalkan ayaa waxaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ku wehliya xubno ka tirsan golahiisa wasiirrada iyo saraakiil ciidan.
Wasiirka Arrimaha Dibada Israa’iil iyo Madaxweyne Cirro ayaa halkaas ku kulmaya. Dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Cirro waxa loogu yeeray aqoonsiga uu ku badashay saldhiga sirdoonka Israa’iil, soo rarista Falastiiniyiinta iyo heshiiska Abraham Accord.
Israa’iil ayaa 26-kii December 2025, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords.
Dowladda Federaalka ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.



