Wafdigii Kenya ee Muqdisho tegay oo war kasoo saaray kulamadii ay la yeesheen DF

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ka hadashay kulamadii u dambeeyay ee magaalada Muqdisho ku dhex-maray wafdigii ka socday xukuumadeeda iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Macharia Kamau ayaa meesha ka saaray in ajendaha u weyn ee kulankii Muqdisho uusan aheyn midka qaadka, oo ay xayiraad saarneyd muddooyinkii dambe.

Machari ayaa sheegay in kulanka labada dhinac uu ahaa mid ku qotomay xoojinta xiriirka labada dal, taasi oo qeyb ka tahay isku socodka dadka, oo muddo badan ay labada dowladooda ay ka wada-hadleen, sida uu hadalka u dhigay.

Xoghayaha ayaa sidoo kale xusay in arrinta qaadka iyo dhibaatooyinka ay u geysatay beeraleyda Kenya uu isagu kusoo hadal qaaday kulankaasi, balse uu aheyn ajendaha rasmiga ah ee isku keentay mas’uuliyiinta labada dhinac.

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in gundhiga kulankaasi uu ahaa sidii loogu fudeydin lahaa dadka Soomaalida dal ku galka Kenya, oo muddooyinkii dambe ay si weyn u adkeysay xukuumada Nairobi.

“Maya si gaar ah ugama annu wada hadal arrintaasi, balse aniga uun baa u sheegay dhibaatada ay arrintaasi ku hayso beeralayda Kenya” ayuu yiri Xoghayahe Macharia Kamau

Si kastaba, Dowladda Kenya ayaa hore u sheegtay in xal ka geli doonto arrinta xayiraada qaadka, iyada beeraleydeedana u sheegtay in dowladda dhigeeda ah ee Soomaaliya la furi doonta wada-hadalo looga hadlayo.

Ganacsatada qaadka Kenya ayaa Maalin walba khasaara lacag dhan Shan bilyan oo lacagta Kenyan ah, midaasi oo horseed u noqon karta gebi ahaanba inay joojiyaan ka ganacsiga qaadka, sida ay baahisay warbaahinta maxaliga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaadka hore ugu dartay xayiraado la soo rogay oo la xiriirtay cudurka Coronavirus, inkasta oo xayiradahaasi la wada qaaday, haddana waxba iskama badalin xayiradii hore u saarneyd qaadka laga keeni jiray Kenya.

Xiisada Kenya iyo Soomaaliya ayaa mad-madow badan gelisay xiriirka labada dhinac, inkasta oo maalmihii u dambeeyay u muuqday xiriirkaasi mid soo hagaagaya, maadama labada dhinac ay bilaabeen wada-hadalo hordhac ah.