Wararkii ugu dambeeyay dagaalka gobolka Tigray-ga oo guul laga sheegtay

Addis Ababa (Caasimadda Online) – Warbaahinta dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in militariga ay qabsadeen garoon diyaaradeed oo 60 km u jira magaalada Humera ee ku taalla gobolka Tigray kuna teedsan xuduudda dalalka Eritrea iyo Sudan.

Warbaahinta ayaa sidoo kale soo bandhigay sawirrada ay askar ay sheegeen inay yihiin Tigray oo usoo soo dhiibay ciidamada dowladda.

Hase yeeshee wakaaladda wararka Tigray-ga ayaa sheegtay in taasi aysan waxba ka jirin, oo ay qeyb ka tahay dacaayadda ay faafinayaan Abiy Ahmed iyo maamulkiisa.

Dhinaca kale, wakaaladda wararka AFP ayaa ilo-wareedyo kasoo xigtay in 20 askari iyo shacab Ethiopian ah ay u tallaabeen xuduudda Sudan.

Dagaalka ayaa xooggiisa ka socda galbeedka gobolka Tigray, meel u dhow xuduudda Sudan iyo Eritrea.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa difaacay hawlgalka Militari oo ay xukuumadda sameyneyso wuxuuna soo jeediyay iney wadi doonaan inta hub ka dhigis lagu sameynaayo kooxaha hubeysan.

“Kaddib marka hub ka dhigis lagu sameeyo kooxaha abaabulan ee dambiilayaasha ah, inta dowlad sharci ah gobolka looga soo celinayo isla markaana dambiilayaasha baxsadka ah caddaallada la hor keenayo,” ayuu yiri Abiy Axmed

Dhanka kale Aqalka cad ee mareykanka ayaa laga soo hadal qaaday xiisadda ka socota dalka Itoobiya iyadoo Elizabeth warren ay aaminsan tahay in gobolka Tigray aan la gaarsiin karin kaalmo beni’aadanimo.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka digtay dagaalladda halkaas ka socda kuwaas oo laga yaabo iney ku barakacaan dad ku dhaw 10 Malyan oo qofood, sidoo kalana aad looga deyrinayo xaaladooda maadaama aan gar-gaar la gaarsiin karin.