Wafdigii Soomaaliya oo ka soo tagay maxkamadda ICJ iyo go’aanka maxkamadda oo…

Hague (Caasimada Online) – Wafdigii ka socday dowladda Soomaaliya ee gaaray xarunta maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ayaa dib ugu soo duulay Muqdisho, kadib markii ay maxkamadda dhageysatay doodaha Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda ayaa kulan deg deg ah ugu yeertay Soomaaliya iyo Kenya oo uu ka dhaxeeyo muran dhanka xuduudda badda ah, kadib markii Kenya ay codsi cusub u dirtay maxkamadda ayada oo dooneysa in dhageysiga kiiska mar kale dib loo dhigo illaa bisha September ee sanadda 2020.

Madaxweyne ku xigeenka maxkamadda Xue Hanqin ayaa dhageysatay doodda Kenya ee dib u dhigista dhageysiga kiiska iyo diidmada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maxkamadda u sheegay in Soomaaliya aysan aqbali karin in xitaa hal maalin dib loo dhigo kiiskan amr kale, ayna doonayaan in waqtigiisa lagu dhageysto.

Khadar ayaa maxkamadda u sheegay in Kenya aysan daacad ka ahayn cudur-daarrada ay la imaneyso mar walba, ayna guud ahaan ku qanacsaneyn in maxkamadda ay dhageysato kiiskan.

Maxkamadda ayaa horey u ogolaatay codsiga Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo, waxaana dhageysiga dacwadda oo markii hore la qorsheeyey 9-ka September dib loo dhigay illaa 4-ta bisha November ee soo socota.

Xue Hanqin ayaa kadib markii ay dhageysatay doodda labada dhinac u sheegtay inay dalalkooda ku laabtaan ayna maalmaha soo socda maxkamadda ku dhowaaqi doonto go’aankeeda ku aaddan iyo dhageysiga kiiska mar kale dib loo dhigo iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com