Wajiga labaad ee wadahadalka Galmudug iyo Ahlusunna oo ka furmaaya Jabouti & Xubno ka socday DF oo loo diiday Shirka

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Jabouti uu ka furmo wajiga labaad ee wadahadalka Maamulka Galmudug iyo AhluSunna.

Wadahadalka Galmudug iyo Ahlusunna ee magaalada Jabouti ayaa waxaa horboodaya xubno ka tirsan IGAD oo garwadeen ka ah wadahadalkii kusoo dhamaaday Kenya iyo kan maanta ka furmaaya Jabouti.

Wadahadalkan ayaa waxaa qeyb ka noqon doona mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Jabouti, waxaana lagu wadaa in wadahadalkan uu noqdo mid afmeer u ah khilaafka labada dhinac.

Magaalada Jabouti waxaa hadda ku sugan Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Hogaamiye ku-xigeenkiisa Carabey iyo Hogaamiyaha AhluSunna Sheekh Shaakir.

Mas’uuliyiinta Galmudug iyo Ahlusunna, ayaa sidoo kale is hortaag ku sameeyay wafdi uu Hogaaminaayo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/llaahi Faarax Wehliye oo la doonaayay inay shirka ku matalaan DFS.

Galmudug iyo Ahlusunna, ayaa sheegay in shirka uu ka mamnuuc yahay dowlada Somalia, maadaama ay horay ugu soo fashilantay xal u helida khilaafka labada dhinac.

Hogaamiyaha Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa dhawaan sheegay in iyaga iyo Galmudug aanay dagaalsaneyn, balse ay jiraan dad diidan inay midoobaan, isla markaana in la wada hadlo aanay doonin.

Dhinaca kale, Axmed Ducaalle ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii uu ula heshiin lahaa Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ee dalka ku sugan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com