Imaaraadka oo soo jeedisay in gabi ahaan la Qarxiyo Telefeshinka Aljazeera ee Qadar!

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada isutaga Imaaraadka Carabta ayaa daboolka ka qaaday inay muhiim tahay in laga fekero sida lagu soo afmeeri lahaa shaqooyinka ay warbaahinta Aljazeera u heyso bulshada caalamka.

Dowladu waxa ay sheegtay in Aljazeera ay caqabad ku tahay amni iyo xasilooni ka dhalata dhammaan dalalka carabta, sidaa aawgeed la doonaayo in lasoo afjaro magaca iyo jiritaanka Tv-ga AlJazeera oo laga leeyahay dalka Qadar.

General Dhahi Khalfan oo ah Taliyaha Ciidamada Amniga ee Dubai, ayaa qoraal uu kusoo daabacay bartiisa Twitter ku sheegay in Aljazeera ay mudan tahay in gabi ahaanteeda la Qarxiyo.

General Dhahi Khalfan, waxa uu sheegay in warbaahinta Aljazeera ay ku sifowday buunbuuninta Kooxaha argagixisada ah isla markaana ay noqotay mid si toosa ugu hadasha afka kooxaha argagaxisada ah, sida lagu qeexay qoraalka.

General Dhahi Khalfan, waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in warbaahinta Aljazeera ay taageero siiso kooxaha xagjirka ah isla markaana khatar ku tahay amniga dalalka Carabta.

Nuqul kamid ah qoraalka Taliyaha Ciidamada Amniga ee Dubai, General Dhahi Khalfan ayaa ahaa ”Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraatka waa inay duqeeyaan warbaahinta ISIS, AlQacida, Al Nusra iyo argagaxisada”

Sidoo kale, Yaser Abuhilalah oo ah Agaasimaha guud ee warbaahinta Aljazeera oo ka jawaabaya haddalka General Dhahi Khalfan, ayaa sheegay in haddalkaasi uu ka dhigan yahay duulaanka ay Imaaraadka ku tahay Qadar.

Dhinaca kale, Yaser Abuhilalah waxa uu cadeeyay in caga jugleynta General Dhahi Khalfan ay dhiiragalin u noqoneyso maamulka iyo howlwadeenada Aljazeera, sidoo kalane uu dhiiri galinaayo argagixisada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com