Dhaqaale intee la’ eg ayaa ku baxeysa dhismaha Saldhiga Imaaraadka ee magaalada Berbera

Berbera (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Berbera si rasmi ah uga bilowday dhismaha Saldhiga Militery ee dhawaan Imaaraadku ka calaameystay magaalada Berbera ee Waqooyiga Somalia.

Dhismaha Saldhiga Militery ayaa waxaa qandaraas ku qaatay Shirkadda ”Divers Marine Contracting LLC”, waxa ayna Saraakiisha shirkada sheegen inay bilaabeen dhismaha Saldhiga.

Shirkadaan ayaa waxaa qandaraaska dhismaha lasiiyay Bishii April ee 2017, waxa uuna Agaasimaha shirkada Cabdalla Darwiish tilmaamay in Saldhiga ay ku kici doonto lacag dhan 90 Million oo Dollar-ka Mareykanka ah.

Nashqada dhismaha Saldhiga ayaa la sheegay inuu qeyb ka ahaan doono Garoomo kasoo dega Diyaarado dagaal iyo kuwo ay ka kacaan.

 

Qorshaha ugu weyn ayaa ah in dowlada Imaaraadka Carabta ay Saldhigaasi ka ilaalsato dhaqdhaqaaqa, iyadoo ay xusid mudan tahay in magaalada Berbera ay tahay mid ku taalla Gacanka Cadmeed isla markaana 200-KM dhanka Koonfurta u jirtaa Xeebaha dalka Yemen.
Geesta kale, waxaa si dhaqsi ah lagu soo afjari doonaa dhismaha Saldhiga, maadaama qandaraaska uu yahay mid aan soconkarin ugu yaraan muddo kabadan Todobo bil.

Caasimada Online

Xafiiska  Berbera 

Caasimada@live.com