Sabab la yaab leh oo Sh. Shariif ku qasabtay inuu isaga baxo kooxaha Mashruuca kasoo qaatay Imaaraadka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maalmihii ugu dambeeyey kulamo kala duwan la qaadaney Madaxda ugu sareyso Soomaaliya sida Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maalmihii dambe qeyb ka ahaa ololaha looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya oo ay waday Imaaraadka Carabta ayaa hadda u muuqdo inuu gaba ahaanba isaga baxay, kadib markii uu heli waayey hal arrin oo uu muddo raadinayey markii horena ku qasbeysay inuu kamid noqdo Kooxaha ku xiran Dalka Imaaraadka Carabta.

Shariif Shiikh Axmed ayaa lagu soo waramaya inuu lugta kala sii baxayo kooxdda mucaaradka ee caawimaada ka hesha Emirate-ka kadib markii loo sheegay inuusan u tartameynin badalka Farmaajo hadii qorshaha is badalka lagu guuleysto.

Waxaa loo sheegay kooxdda mucaaradka iyo xildhibaanada la iibsanaayo intaba in Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake uu dhameystiri doono waqtiga u haray madaxweyne Farmaajo.

Sheekh Shariif oo ay arrintaas u cantami weysay ayaa go’aan ku qaatay inuu gebi ahaanba isaga haro kooxahaas, wuxuuna hadda la saftay dowladda Soomaaliya oo siisay ballan qaadyo waaweyn.

Sheekh Shariif ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaadan doono sidii dowladda dhexe looga dajin lahaa culeysyada kala duwan ee uga imaanayo kooxaha mucaaradka ku ah, waxayna Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha isku afgarteen qodobo aan lala wadaagin saxaafadda oo ay ugu muhiimsaneyd inuu la shaqeeyo dowladda.

Sheekh Shariif ayaa looga guuleystay labadii doorasho ee ugu dambeysay ee ka dhacday Soomaaliya, marnaba waxaa ka qaaday Xasan Sheekh marnaba Madaxweyne Farmaajo oo hadda talada dalka hayo.

Sheekha ayaa ku taamayey inuu mar kale ku laabto kursiga madaxweynimo ee Soomaaliya balse waxaa ka hor imaaday caqabado kala duwan oo ay ugu horeysay in loo sheegay in afartaan sano ay dhameysan doonaan beesha hadda xilka heyso xataa haddii meesha laga saaro Farmaajo.

Ugu dambeyntii Sheekh Shariif ayaa ah shakhsi saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya, waxaana la qiyaasayaa inuu dowladda dhexe wax badan ka caawin karo haddii ay wax kasta u dhacaan sidii lagu heshiiyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com