CC Shakuur oo Muqdisho ka wado olole mooshin looga keenayo Farmaajo + Lacagta ku baxeysa

Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii soo maray Soomaaliya haddana ah wakiilka Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa wado ololo aad u weyn oo uu ku doonayo inuu mooshin kaga keeno Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida ay xildhibaano u xaqiijiyey Caasimada Online, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wakiil uga ah Cumar Cabdirashiid ololaha lagu doonayo in dowladda Soomaaliya looga hor imaado ayaa Muqdisho ka bilaabay diyaarinta Mooshin la doonayo in xilka looga qaado Farmaajo laguna bixinayo lacag aad u badan.

Xildhibaanada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu u ballan qaaday 10 Kun oo Dollar xildhibaankii si mooshinka loo saxiixo, halka Xildhibaankii u codeeyo in Farmaajo xilka laga qaado la siin doono lacag gaareyso 50 Kun oo Dollar.

Hadduu Xildhibaanka codsado inuu kaliya saxiixo mooshinkaas wuxuu qaadanayaa 10 Kun oo Dollar, halka Xildhibaankii isku darsado inuu saxiixo kadibna u coddeeyo in kalsoonida lagala laabto Farmaajo uu heli doono lacag gaareyso 10 + 50 Kun oo Dollar oo isku darkeeda noqoneyso 60 Kun oo Dollar.

Waxaa durba bilowday shaki weyn oo ay Xildhibaanada ka qabaan ballan qaadkaas, waxayna Cabdiraxmaan Cabdishakuur hor dhigeen inuu lacagtaas kaash u bixiyo si howshaas loogu qabto.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo aan awood u heli karin inuu 185 Xildhibaan oo Farmaajo lagu rido karo siiyo 60 Kun oo Dollar ayaa isku dayayo inuu mooshinka horgeeyo baarlamanka marka hore, si dowladda u gasho jahwareer.

Sida aan xogta ku heleyno waxaa Mooshinkaas saxiixay ilaa hadda dhowr xildhibaan oo aan weli la siin 10-kii kun ee loo ballan qaaday, waxayna arrintaas sababtay inuusan Cabdiraxmaan Cabdishakuur helin Xildhibaan kale oo u saxiixo mooshinkaas, maadaama ay arrinta kaliya tahay ballan qaad laga leeyahay in lagu qalqal geliyo dowladda dhexe.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo rajo ka lahaa in laga dhigo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa tan iyo markii Xilkaas loo magacaabay Xasan Cali Kheyre bilaabay olole lagu doonayo in meesha looga saaro dowladda cusub ee aan jirin xataa hal sano.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com