Farmaajo oo galabta ku wajahan Nairobi iyo Liiska Madaxda ka qeybgaleyso Caleema Saarka Uhuru

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Galabta ku wajahan Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya si uu uga qeybgalo Caleema Saarka madaxweynaha dib loo doortay ee Uhuru Kenyatta.

Xafladda Caleemka saarka ee Uhuru ayaa la filayaa inay dhacdo Berri, waxaana ka qeyb geli doono madax badan oo ka tirsan Qaaradda Africa, waxaana liiskaas kamid ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saacadaha soo socdo isaga iyo wafdigiisa ay ka dhoofi doonaan Muqdisho.

Tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa dib usoo fiicnaaday Xiriirka dowladaha Kenya iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku guuleystay inuu fududeeyo dhibaatadii Muwaadiniinta Soomaliyeed ay kala kulmi jireen safaradooda Kenya oo lasii marsiin jiray Magaalada Wajiir.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dowladda Kenya ku qanciyey inay muwaadiniinta Soomaaliyeed u fududeyso dal ku galka Kenya, gaar ahaan muwaadiniinta wato baasaboorada Service oo Fiisahooda lagu siiyo (On Arrival).

Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa hadda ku jiro jawigii ugu fiicnaa oo is faham siyaasadeed ah waxaana muuqato inay si weyn isugu soo dhawadeen tan iyo markii uu Farmaajo noqday Madaxweynaha Soomaaliya.

Haddaba waxaan idiin soo gudbineynaa madaxda ka qeyb galeyso, kuwa Ergooyinka u dirayo, kuwa wafdi heer wasiir diraya iyo kuwa kale oo Madaxweyne ku xigeenka ama Ra’isulwasaare uga qeyb qaadan doono.

Dalalka ay madaxweynayaashooda ka qeyb geli doonaan Caleemasaarka:

Mohamed Abdullahi Farmaajo (Somalia)

Yoweri Museveni (Uganda)

Ian Khama (Botswana)

Paul Kagame (Rwanda)

John Pombe Magufuli (Tanzania)

Edgar Lungu (Zambia)

Ismaïl Omar Guelleh (Djibouti)

Hage Geingob (Namibia)

Faure Gnassingbé (Togo)

iyo Ra’isulwasaaraha Itoobiya and Prime Minister Hailemariam Desalegn of Ethiopia.

Wadamada Soo diri doono Ergooyin

Senegal, China  iyo Japan

Wadamada soo diri doono Wasiiro

South Africa, Britain Ukraine iyo India

Wadamada soo diri doono madaxweyne ku xigeenada ama Ra’isulwasaare:

Nigeria, Guinea, Angola, Democratic Republic of Congo, Burundi iyo Yemen

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com