Sawiro: Wadahadallada Ahlu Sunna iyo Galmudug oo ka furmay Jabuuti iyo Shuruudo lasoo bandhigay

Jabuuti (Caasimadda Online) – Dalka Jabuuti waxaa maanta ka furmay shir ay ku heshiinayaan Maamullada Galmudug iyo Ahlu Sunna,kuwaas oo wajigii 1aad ee wadahadalkooda uu ka dhacay Magaalada Nairobi ee  dalka Kenya.

Shirkan waxaa ka qeybgalaya Madaxweynayaasha Maamullada Ahlu Sunna iyo Galmudug,ku xigeennadooda iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka labada Maamul.

Wadahadalkan waxaa garwadeen ka ah Urur Goboleedka IGAD,waxaana wajiga2aad ee wadahadallada labada maamul.

Dowladda Federaalka ah ayaa dhowr jeer isku dayday in ay Muqdisho ku heshiisiiso labada maamul hayeeshee waxaa ay dhici weysay.

Madaxweynaha Maamulka Gobollada dhexe ee Ahlu Sunna ayaa sheegay in waligoodba ay diyaar u ahaayeen wadahadallada Galmudug,waxaana uu xusay in markasta ay oggolyihiin in ay wada heshiiyaan.

Sheekh Shaakir ayaa sidoo kale sheegay in wadahadalka Jabuuti uu ka filayo in ay ka soo baxaan midnimada Galmusug iyo Ahlu Sunna.

Inkastoo Shirka maanta uu si rasmi ah u furmay oo labada dhinac ay si toos ah u wada hadlayaan, ayaa haddana jira in Shuruudo kala duwan miiska ay u saaran yihiin dhinacyadaasi.

Hoggaamiyaha Maamulka Ahlu Sunna ayaa wata Shuruudo adag oo ku aadan hanaanka awood qaybsiga Maamulka Galmudug laga siinaayo Ahlu Sunna, waxaana adkaan doonta qodobada qaar oo shuruudaha ah.

Inkastoo Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa Shirkaasi ay ka qayb galayaan, ayaa haddana Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug uu ka soo horjeestay shirkaasi.