Dagaal maalintii labaad Muqdisho ku dhex maraya Maleeshiyo iyo ciidamada Booliska

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada booliska iyo maleeshiyo ayaa ku dagaalamaya xaruntii safaarada Mareykanka Muqdisho oo loo yaqaan Siligga ee degmada Wadajir, G/Banaadir.

Dagaalka ayaa ka dhashay kadib markii maamulada degmooyinka iyo G/banaadir ay ku amreen dadka degan xaafadda Silliga oo isku rarran ah inay ka guuraan si wadooyin looga sameeyo halkaasi, taasoo ay diideen dadka degan oo ay ka mid yihiin maleeshiyo degaan, qaar beeleed iyo qaar kale oo ka mida ciidamada milateriga.

Iska hor imaadka labada dhinac ayaa mar kale saaka dib uga bilowday xaafadda Silliga, waxayna dadka degaanka ee hubka qaatay ay ku doodayaan in dhul aanay lahayn dowladda la doonayo in laga saaro iyadoo aanay jirin meel kale oo la dejinayo.

Degaanka Silliga Xaafadaha ku dhow degaankaasi ayaa laga qaxayaa, waxayna rasaastu saameyn ku yeelatay meelo ka fog goobta lagu dagaalamayo.

Maleeshiyada dagaalka wado ayaa ka cabanayo in jidadka la furayo ay ku imaadeen guryahooda isla markaasna aysan heysan meel ay dagaan.

Ilaa hadda arrintaas ma uusan ka hadlin Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha degmadaas, waxaana muuqato inuu dagaalkaas saameynta ku yeelanayo xaafadaha ka ag dhow halka uu dagaalka ka socdo.

Maalmihii dambe waxaa soo badanayey dagaalada ka dhacayo Muqdisho iyo dilalka qorsheysan, waxaana ilaa hadda la ogeyn halka uu ku dambeeyey dalaalkii ahaa in Magaalada laga saaro ciidamada u abaabulsan hab beeleedka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com