Wakhtiga dib loo furayo duulimaadyada gudaha Soomaaliya oo la shaaciyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida laga soo xigtay masuuliyiinta dowladda u qaabilsan duulimaadka, waxaa todobaadkaan dib loo furi doonaa duulimaadyada diyaraadaha ee gudaha dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa 29-kii Bishii March waxaa ay si ku-meel gaar ah u joojisay duulimaadyada dalka gudahiisa ah si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus, xilligaas oo kiisaskii ugu horeeyay ee Coronavirus ah laga helay Soomaaliya.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen sida la sheegay Saraakiisha laanta hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha iyo Mas’uuliyiinta Shirkadaha Diyaaradaha ayaa waxaa ay isku raaceen in marka la furo duulimaadyada, lagu dhaqmo amaro la xiriira ka hortagga COVID–19 oo horay loo soo saaray.

Rakaabka diyaaradaha raaci doona waxey xiran doonaan Gloves (Gacmo gashi) af xir (Mask), sidoo kalana waxey isticmaali doonaan waxyaabaha gacmaha lagu nadiifiyo si looga feejignaado xanuunka COVID 19 oo wali ka jira Soomaaliya.

Dabayaaqadii bishii Maarso ayey aheyd markii la joojiyay duulimaadyada gudaha, waxeyn arintaas ka dambeysay markii uu xoogeystay faafitaanka COVID 19, waana habka ay raaceen wadamada kale ee dunida.

Dhamaan xafiisyadii duulimaadyada ee ka shaqeynayay magaalada Muqdisho iyo gudaha dalka ayaa albaabada loo laabay maadaama aysan jirin wax shaqo ah oo ay qabanayaan, balse markaan dib ayey u furmi doonaan muddo kadib.