Wararkii ugu dambeeyey khilaafka Deni iyo Karaash iyo arrimo kusoo kordhay

Garowe (Caasimada Online) – Mudooyinkaan dambe waxaa aad loo hadal hayay khilaafka xoogan ee u dhaxeeya madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa, waxaana sida la sheegay uu ku saleysan yahay habka awoodaha dastuuriga ah.

Madaxweyna Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa inuu maanta la kulmo guddiga wada dhex-dhexaadinta iyo xubno ka tirsan Gudoonka Baarlamaanka.

Kulanka maanta dhici doona waxey guddiga iyo gudoonka baarlamankaba madaxweynaha ka dalban doonaan inuu ka waramo waxa dhaliyay khilaafka soo kala dhex galay isaga iyo ku xigeenkiisa.

Sabtidii ayey aheyd markii odayaasha iyo Gudoonkaba ay la kulmeen Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), waxeyna ka wareysteen sababaha keenay iney is fahmi waayaan isaga iyo Deni.

Khilaafka labada nin ayaa bannaanka yimid kadib markii 14-kii bishan May uu madaxweyne kuxigeenka kasoo horjeestay magacaabista taliyaha iyo taliye kuxigeenka madaxtooyada Puntland oo uu magacaabay madaxweyne Deni. Mudane Karaash ayaa sheegay in aan lagala tashan magacaabistaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa toddobaadkii hore sheegay in khilaafkooda uu gaaray heer aysan hadda saalanta iska qaadin labadan mas’uul oo ku wada shaqeeya dhismaha madaxtooyada Garowe.