Wakiilka Midowga Yurub ee xisbiga PDP oo ka soo horjeestay heshiiska maamulada Koonfur Galbeed.

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho ay heshiis ku gaareen ergooyin ka kala socda labada maamul ee koonfur galbeed, heshiiskaas ayaa waxaa garwadeen ka ahaa dowladda Soomaaliya oo waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynaha, afhayeenka baarlamaanka iyo ra’iisal wasaaraha.

Haddaba heshiiskaas waxaa ka soo horjeestay wakiilka xisbiga madaxweynaha ee PDP ee qaaradda Yurub.

Isagoo la hadlaayay Idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in heshiiskaas uu qalad yahay isla markaana madaxda dowladda ay taageereen arrin qalad ah.

Wuxuu sheegay in gobalka Shabeellaha Hoose lagu daro Baay iyo Bakool ay tahay arrin aan soconeynin oo maba islahan ayuu yiri deegan ahaa iyo dad ahaan.

Waxaa la weydiiyay isagoo wakiil uga ah Yurub xisbiga PDP sababta uu ku qaadacay heshiiska ay dowladda dhex dhigtay labada maamul, wuxuu sheegay in madaxweynaha ay heshiis ku yihiin uun in wax sax la sameeyo ee uusan ku taageersaneen in uu wax qalad ah sameeyo ama uu taageero.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha dowladda iyo dhammaan hey’addaha dowladda looga baahan in ay ka laabtaan taageerada heshiiskaas gobalka Shabeellaha Hoosena lagu daro gobalka Shabeellaha Dhexe sidaasna maamul loogu sameeyo labada gobal.

Hadalkan wakiilka xisbiga PDP ayaa ku soo aadaya iyadoo toddobaadkan magaalada Muqdisho ay ku heshiiyeen labada maamul ee koonfur galbeed oo hadda sameestay maamul kumeel gaar ah.

Si kastaba, waxaa soo badanaya mucaaradnimada heshiiska labada maamul ee koonfur galbeed lagu mideeyay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com