Arrin ka cusub degmada Buulo-Burde

Buulo-burde (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in labo ruux oo labisnaa dareeska ciidamada dowlada ay weerar ka fuliyeen degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ka dhacay saldhiga degmada kaasi oo socday daqiiqado dhowr ah, sida dadka deegaanka ay sheegayaan.

Labadii nin ee weerarka ku qaaday saldhiga degmada ayaa la sheegay in markii dambe la dilay, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku aadan qasaaraha weerarka ka dhashay.

Ku dhawaad lix ruux oo ay ku jireen dadkii waardiyaha ka ahaa albaabka saldhiga iyo dadkii weerarka soo qaaday ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen, laakiin ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijin kartaa heerka qasaaraha.

Dadka deegaanka waxay leeyihiin muddo daqiiqado ah ayay israsaaseynta socotay kadib markii dadka weerarka soo qaaday ay rasaas ku bilaabeen ilaalada saldhiga degmada.

Waxaa xaalad kacsanaan ah laga dareemaya degmada Buulo-burde , waana weerarkii ugu horeeyay oo ka dhacay saldhiga degmada, wallow horay weerar ismiidamin ah uu kaga dhacay degmada.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hiiraan

Caasimada@live.com