Beelaha Hawiye: C/Weli waxaa la rabaa halkii geyn lahaa heshiis beenaadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, ayaa wuxuu si kulul uu u dhaliilay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Gudoomiyaha, ayaa wuxuu Ra’iisal Wasaaruhu ku eedeeyay inuu madaxa kaga taagan yahay Beelaha Somaliyeed qaarkood, taasoo uu sheegay inaanu waxba ka aqoon waxa sababay, soona jeediyay in wax laga weydiiyo Ra’iisal Wasaaraha.

“Ninkaan la lee yahay Ra’iisal Wasaaraha wuxuu Madaxa uga taagan yahay Beelaha qaar, waxaan garanayno maaha waxa uu ugala jeedo, in isaga la weydiiyo ayay ku fiicnaan laheyd.” ayuu yii Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo la hadlay Idaacada SKY NEWS.

Wuxuu soo hadalqaaday shirkii Golaha Wasiirada ee lagu meelmariyay heshiiskii ay kala saxiixdeen Maamulada 3-da iyo 6-da Gobol ee Koonfur Galbeed, xilli ay ka maqan yihiin Wasiirada Beelaha Hawiye.

“Waxaad ogtihiin in shirkii Golaha Wasiirada lagu ansaxiyay heshiiskii ay diidaneyd Beelaha Hawiye, weliba iyadoo ay fadhiga ka maqan yihiin Wasiiradii Beelaha Hawiye.” ayuu yiri Gudoomiyaha Odayaasha Dhaqanka ee Hawiye.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, ayaa Ra’iisal Wasaaraha ku eedeeyay inuu sidaa u yeelaayo, dagaal gaar ah oo uu kula jiro Beelaha qaarkood, ha yeeshee wuxuu ku goodiyay in laga doonaayo meeshii uu gayn lahaa heeshiiskaasi.

“Wuxuu sidaan u sameynayaa waa dagaal uu kula jiro Beelaha qaar, laakiin Ra’iisal Wasaaraha waxaa laga rabaa meeshii uu gayn lahaa heshiiskaan. Meeshii uu ka noqon lahaa Ra’iisal Wasaare Somaliyeed oo Qaranka matala, ayuu noqday nin dadka sii kala qaybiya.” ayuu sii raaciyay Nabadoonka.

Xaad, ayaa carabka ku adkeeyay in Beelaha Hawiye ay si guud uga soo wada horjeedsan doonaan tallaabada uu Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Gobolka Shabeellaha Hoose ugu biirinaayo Gobolada Baay iyo Bakool.

Dhinaca kale Cabdi Weli ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la hadlo dhammaan beelaha diidan waxa uu ugu yeeray heshiiska, si uu u qanciyo.

“Waan la hadlayaa dhammaan, waana ka dhageysanayaa cabashadooda” ayuu yiri, isaga oo shalay dhoofayey dalka Equatoria Guinea, oo uu shir kaga qeyb galayo.

Colaadda iyo dagaal beeleedyada Soomaaliya, ayaa sii kordhay markii uu xilka qabtay Cabdi Weli, oo maleeshiyo beeleedyo gaar ah hub siiyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com