Ciidamada Shabelle State oo qabsaday deegaano ka tirsan Sh/Hoose (XOG)

N0.50 (Caasimada Online) – Xoogag hubeysan oo taabacsan Maamulka Shabelle State, ayaa bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta Deegaanka Nambar Konton, oo dhaca duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Xoogagaan, ayaa waxay gelinkii dambe Arbacadii soo buuxiyeen goobaha ku teedsan Deegaanka Nambar Konton, taasoo keentay inay isaga baxaan dhinacyadii horey ugu sugnaa.

Xoogagaan, ayaa waxaa la soo soo sheegayaa in xalay ay ku hoydeen Nambar Konton, iyadoo aanu ka dhicin wax dagaal ah, waana markii ugu horeysay oo Deegaankaasi lagu arko Ciidan taabacsan Maamulka Shabelle State.

Sidoo kale Xoogaga taabacsan Maamulka Shabelle, ayaa waxay shalay la wareegeen barro Kontoroolo oo ku yaala Magaalada Marka, kuwaa oo 9-kii bishaan ay fariisimo ka sameysteen mid ka mid ah maleeshiyada beelaha ku wada dagaalamaaya Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiirka Maaliyada ee Maamulka Shabelle Shate Cali Nuure, ayaa waxa uu xaqiijiyay in Ciidamada Shabelle State la wareegeen gacan ku haynta Deegaanka Nambar Konton iyo barraha kontoroolada ee Magaalada Marka.

Wasiirka, ayaa wuxuu tani ku sheegay mid ay Maamulka Shabelle State ku wada gaarsiinayaan dhammaan Deegaanada Gobolada Shabeellooyinka (Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose).

Madaxweynaha Maamulka Shabelle State Abuukar Cabdi Cismaan (Mardaadi), ayaa wuxuu shalay sheegay inaysan aqbali doonin in Gobolka Shabeellaha Hoose lagu biiriyo Maamulka loo dhisaayo Gobolada Baay iyo Bakool.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com