Xog: Xildhibaaano ku kacay Cabdi Weli oo mooshin diyaarinaya iyo xiisad jirta

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay si weyn uga hadlayey heshiiskii dhowaan lagu saxiixay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya iyagoo ku doodaya in hirgelinta sharciyada lagu dhisayo maamulada ay tahay shaqo baarlamaanka uu leeyahay.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee baarlamaanka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha ka hadlay arrimaha heshiiska maamulka Koomfur Galbeed ayaa sheegay in aqoonsia maamul goboleed cusub ay tahay in marka hore la horkeeno baarlamaanka federaalka, ay ka doodaan kadibna ogolaadaan haddii uu soo buuxiyo shuruudaha.

“Waxaa jira khaladaad marar badan soo laalaabtay, waxaana u baahanahay in baarlamaanka uu ka fariisto oo si dhab ah looga doodo,” ayuu yiri Daahir Jeesow.

Xildhibaanka ayaa ku dooday in sameynta maamul goboleed cusub ay tahay arrin u baahan waddoo dheer in las oo maro isagoo sheegay in sharciyada federaalka ay weli yihiin qabyo welina aan la geyn baarlamaanka.

Xildhibaan Jeesow ayaa ku goodiyey in ay diyaarinayaan mooshin ka dhan ah xukuumadda uu hogaamiyo raysal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed isagoo tilmaamay in heshiiska dhowaan lagu aqoonsaday saddexda gobol ee Koonfur Galbeed ay hor istaagi doonaan.

Sidoo kale xildhibaan C/laahi Jaamac oo isaguna ka mid ah mudanayaasha wax laga weydiiyay doodan siyaasadeed ee dawlada dhexdeeda ka jirta ayaa wuxuu sheegay in baarlamaanka iyo xukuumadda ay sii kala fogaanayaan.

“Waxaad arkeysaa inaan la iska warqabin, oo heer wasiirkii arrimaha gudaha uu xitaa leeyahay waxan la ilala socodsiin oo shaqadii wasaaradiisa la garabmaray,” ayuu yiri xildhibaan C/laahi Jaamac.

Arrimahan ayaa qeyb ka ah kulamada siyaasadeysan ee hareeyay hoteelada magaalada Muqdisho kuwaasoo ay wadaan xildhibaano ka mid ah baarlamaanka oo ku kacsan xukuumadda.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com