Beelaha HAWIYE oo sheegay sababta aan SH/H loo raacin karin Bay & Bakool

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, ayaa waxa uu ka hadlay waxa ay ku diidan yihiin heshiiska 3-da iyo 6-da Gobol ee Koonfur Galbeed ee Somaliya.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay in heshiiska lagu gaaray Madaxtooyada Somaliya, ee lagu sheegay in Maamul Kmg ah loogu dhisaayo Gobolada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose uu yahay mid liddi ku ah Sharciga, maxaa yeelay dadka Deegaanka waxba lagama weydiin, sida uu yiri.

Wuxuu tilmaamay in heshiiska uu dhigaayo marka hore Beelaha Deegaanka wada degan inay heshiiyaan, deetana ay dhistaan Nidaamka, kadibna ay ka wada hadlaan inay isku darsami karaan iyo in kale.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Gobolka Shabeellaha Hoose aanu ahayn Gobolka raaci kara Gobolada Baay iyo Baay, bacdamaa uu yahay Ex Banaadir (Mid laga jaray Gobolka Banaadir). Wuxuuna intaa ku daray inaanay dhalasho ku raaci karin, Deegaan ahaana ku raaci karin, sida uu yiri.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, ayaa sidoo kale sheegaaya in Beelaha Hawiye ay ku xoogan yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose, isla-markaana aan waxba laga weydiin go’aanka Shabeellaha Hoose loogu daray Baay iyo Bakool.

Arrintaan, ayaa wuxuu ku sheegay mid ka baxsan awood qaybsiga iyo Cadaalada, iyadoo Madaxda Dowladdu uu ku eedeeyay sida ay isaga indho tirayaan waaqica dhabta ah ee jira.

Oday Dhaqameedkaan, ayaa wuxuu Madaxda Dowladda iyo Bulshada Caalamkuba ku dhaliilay inay Maamul Goboleed ku dhiseen Madaxtooyada Somaliya, isla-markaana aysan muuqan si lagu soo dhoween karo Maamulkaasi.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in markii ay arkayn sida ay wax isku burinayaan, ay u soo baxday inaan la doonayn wax la dhiso, oo loo socdo in wax la dumiyo, shacabka Somaliyeedna madaxa leesku geliyo.

Maxamed Xasan Xaad oo la hadlaayay laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa ku celiyay inay iyagu amrayn in Wasiirada iyo Xildhibaanada Beelaha Hawiye, ay shaqada joojiyaan, si ay kaga arrinsadaan arrintaan khatarta ku ah dadka Deegaanka.

Nabadoon Xaad, ayaa qaba in Dastuurka Somaliya ee Nidaamka Federalism-ka ku saleysan uu yahay mid dusha uun laga keenay, oo aan ahayn mid ay Somalidu si madax banaan u sameysatay.

Halkan ka dhageyso Xaad

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com