Maamulka Shabeelle State oo Marka u magacaabaya guddoomiye cusub

Marka (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Shabeelle State, Abuukar Cismaan Mardaadi ayaa sheegay in uu maanta oo Khamiis ah magacaabi doono guddoomiyaha degmada Marka iyo ku xigeenadiisa.

Wuxuu warbaahinta u sheegay in guddoomiyaha degmada Marka uu u magacaabayo Prof Cabduqaadir Cali Muuse oo uu sheegay in uu yahay nin u dhashay magaalada isla markaana uu wax badan ku soo kordhin doono.

Wuxuu kaloo sheegay inuu magacaabayo xubno oo la shaqeen doono guddoomiyaha cusub ee degmada Marka.

“Waxaan magacaabay guddoomiyaha degmada Marka oo aan u magacaabay Prof Cabduqaadir Cali Muuse waxaa kaloo la magacaabay ku xigeenadiisa” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Shabeelle State.

Madaxweynaha maamulka Shabeelle State Abuukar Mardaadi ayaa xusay in uu dhawaan soo dhammeestiri doono maamulkiisa oo hadda xarun ka dhigtay magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose.

Si kastaba, degmada Marka waxaa ka dhisan maamul dowladda ay aqoonsatay iyo guddoomiye degmo, waxaana aan la ogeyn sidda ay u shaqeyn doonaan labadan guddoomiye ee ka arrimiya degmada Marka.

Maamulka Shabeelle State ayaa hadda u muuqda

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com

sub u magacaabaya Marka