Xiisad ka taagan Matabaan oo uu booqanayo guddoomiyaha gobalka Hiiraan

Beledweyne (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagan tahay xiisad colaadeed, kaddib markii la sheegay in uu magaalada ay ku wajahan yihiin wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiyaha golbalka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax.

Sidda ay lee yihiin wariyaasha ku sugan Matabaan xiisada ayaa ka dambeesay markii la sheegay in magaalada ay isku heestaan labo maamul oo kala ah mid dowladda hoostaga mid kale oo ay sameesteen Ahlu Sunna, dhawaan ayeeba ku dagaallameen magaalada.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in magaalada lagu arkay ciidamo badan oo aaney jirin cid ay ka mar qaataan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay labada maamul ee isku heesta degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan.

Guddoomiyaha gobalka Hiiraan waxaa ku wehliya safarkiisa guddoomiyaha degmada Beledweyne, waxaana la sheegayaa in laga sugayo siddii wax looga qaban lahaa xiisadda ka taagan degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan.

Caasimada Onlie

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com