Walaaca kororka ciidamada ITOOBIYA ee ku sugan Soomaaliya oo sii kordhaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka ayaa kordhay, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ciidamada Itoobiyaanka ee haatan ku sugan Soomaaliya ayaa gaaray ku dhawaad 10 kun oo askari, iyadoo saddex meelood meel kaliya ay qeyb ka yihiin howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS.

Tan ayaa ka dhigan in Itoobiya ay sidaas ku noqotay dalka ciidamada ugu badan ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, sida ay muujineyso isku geynta ciidanka uga diiwaan gashan ATMIS iyo kuwa iskeed ay usoo galisay gudaha dalka.

Dalka 2-aad oo ah Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga wax ka yar 7 kun oo askari oo ka tirsan howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS.

Addis Ababa ayaa ayadu si iskeed ah ciidamo dheeraad ah usoo gelisay Soomaaliya, si ay u xakameyso weerar ay Al-Shabaab ku qaado Itoobiya, sida laga soo xigtay Machadka caalamiga ah ee Jarmalka (SWP) oo fadhigiisu yahay BerlĂ­n.

Ciidamada Itoobiya ee kasoo gudbaya xadka ayaa kordhay tan iyo markii ay Soomaaliya dhinaca saartay Masar, oo ayadu haatan ciidamadeedu kamid noqonayaan howl-galka cusub ee beddelaya ATMIS.

Dowladda Soomaaliya ayaa meel adag iska taagtay ciidamada Itoobiya ee ku howl-gala si ka baxsan sharciga Midowga Afrika, ayadoo dhawaan shaacisay in Itoobiya aysan kamid noqon doonin howl-galka cusub ee nabad ilaalinta, illaa ay ka laabato heshiiskii badda ee ay la gaartay Somaliland.

Si kastaba, tan ayaa kordhineysa walaaca laga qabo kororka ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya, ayadoo uu horey madaxweyne Xasan Sheekh walaac uga muujiyay saameynta ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin gudaha dalka, dhaq-dhaqaaqooda hubeynta qabiilada.