Waqtiga SOMALIA looga soo saarayo SHIDAALKA oo la shaaciyey, goorma?

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii August ee la soo dhaafay shaaciyey in la rajeynayo in sannadkan gudihiisa la dhamaystiro qorshaha soo-saarka shidaalka iyo gaaska Somalia ayaa waxaa soo baxayo ifafaalo muujinayo in muddo 6 sanno gudaheeda marki ugu horreysay Xeebaha Somalia laga soo saaro Shidaal iyo Gaaska Dabiiciga.

Wasiirka Batroolka ee Xukuumadda Federalka, Daa’uud Mohamed Omar ayaa sheegay inuu qorshuhu yahay in muddo 6 sanno lagu soo saaro shidaalka, iyadoo ay soconayaan Wada-hadalladda lala leeyahay Dowladaha si loo qeybsado kharajka ka soo xeroonaya shidaalka.

Wasiirka oo ka hadlay Shirweynihii Caalamiga ee Shidaalka iyo Gaaska Somalia ee lagu soo gebagbeeyey magaalladda London ayaa waxa uu tilmaamay inay Dowladda Federalka rajeynayso in sida ugu dhaqsaha badan loogu dhaqaaqo Deegaannadda la calaamadeeyey ee uu shidaalka ku jiro.

Wasiirku waxa uu farta ku fiiqay inay Shirkadaha Shidaalka danaynayaan inay dib ugu soo laabtaan Somalia, waxayna Dowladda Federalka wada-hadal kula jiraan Shirkaddo ay ka mid yihiin Royal Durch Shell Plc, Exxon Monil Corp., BP Plc iyo Chevron Corp.

Inkasta oo aan la xaqiijinin Kaydadka Shidaalka ee Somalia, laakiin qodista dhulka Somalia waxa uu qaab ahaan la mid yahay Dhulka Yemen oo la xaqiijiyey inay leeyihiin kayd dhan 2.7 million oo Fuusto.

Xigasho: Businessweek