Qardho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Asluunta ee maamul-goboleedka Puntland ayaa war cusub kasoo saaray baxsashada maxabuus dil ku xukunaa oo maalin kahor ka baxsaday xabsi dhexe ee magaalada Qardho, waxaana ka dhashay tuhun aad u xooggan.
Saraal sare oo u hadlay ciidanka Asluubta ayaa sheegay in ninka baxsaday uu ku xukunaa dil, isla markaana qorshuhu ahaa in toogashada la fuliyo 24 bishaan, balse uu baxsaday 20-kii bishaan, taas oo uu ku tilmaamay arrin khalad ah oo ka dhacday ciidankii haayay.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lasoo xiray askartii ka dambeysay falkan iyo guud aan intii uu ku sugneyd xabsiga uu ka baxsaday eedeysanaha oo haatan la baadi goobayo.
“Halkan dhacdo ayaa ka dhacday waxaa ku xirnaa nin gacan u dhiigle ah oo la toogan lahaa 24-ka bishaan, wax alaala wixii shaqadaas ku jiray iyo ciddii haysay kuli gacanta ayaan ku haynaa baaritaankoodana waa socdaa” ayuu yiri saraak sare oo ka hadlay dhacdadaasi.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in dadka lasoo xiray uu ku jiro taliy ku xigeenka qaybta ee gobolka Karkaar oo xilligaas shaqada waday, waxaana lala soo xiray dhammaan ciidamadii la shaqeynayay, kuwaas oo haatan loo soo gudbiyay magaalada Boosaaso.
“Shaqada waxaa waday taliye xigeenkii gobolka Karkaar iyo ciidankii la shaqeynayay meeshana ku wada sugnaa tallaabo ayaanu ka qaadnay meel fiican ayayna mareysaa” ayuu sii raaciyay.
Sarkaalka oo sii hadlaya ayaa farriin u diray labada beel ee ay dhibaatadu ka dhexeyso, maadaama ninka baxsaday uu yahay gacan ku dhiigle la rabay in tiirka la geeyay, isaga oo ugu baaqay inay deganaan muujiyaan oo ay is xakameeyaan, lana shaqeeyaan dowladda.
“Wax kasta waa dhacaan laakiin waxaan rabnaa in labada reer ay is dajiyaan oo si deggan u xaliyaan arrintaan, ninkaana sidii dib gacanta loogu soo celi lahaa” ayuu mar kale yiri.
Horay ayay sidaan oo kale u dhacday, waxaana maxaabiis ku xukunaa dil oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo Daacish ay ka baxsadeen xabsiyada Boosaaso iyo Gaalkacyo ee maamul-goboleedka Puntland, inkastoo markii dambe dib loo soo qabtay maxaabiista baxsatay.
Maxaabiistaas waxaa kamid ahaa Cabdiqani Saleeban Jaamac (Sayloor) oo maalmo kahor laga qabtay aagga deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, wuxuuna kamid ahaa shabakad ka tirsaneyd Al-Shabaab oo u qaabilsanaa madax jabiska waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

