28.4 C
Mogadishu
Monday, January 19, 2026

WAR cusub oo kasoo kordhay xaaladda adag ee Gedo

Bookmark
Bookmarked

Share

Luuq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka taagan tahay deegaanno ka tirsan gobolkaasi oo ay isugu darsoomeen abaar iyo kuleel daran, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maamulka.

Guddoomiyaha degmada Luuq, Daahir Muxumed Nuur oo shir jaa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay xaaladda degmadaas iyo deegaannada ku hareereysan, wuxuuna sheegay in ay saameysay abaar daran oo ka jirta halkaasi, isaga oo soo saaray qaylo dhaan.

“Luuq waxaa jirta abaar inta aan ogsoonahay oo codkeenna uu gaaro qaylo dhaan ayaa iska soo daba dhaceyso roobkii la sugaayay ma di’in, kuleel fara badana wuu jiraa” ayuu yiri guddoomiye Daahir Muxumed Nuur.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in baahi iyo oon ay ka jirto deegaannada hoos yimaada Luuq, isla markaana xaalado daran ay wajahayaan qoysaska ku dhaqan halkaasi.

Sidoo kale, wuxuu farriin u diray dowladda dhexe, dadka qurbejoogta ah, ganacsatada iyo hay’adaha samafalka oo uu ugu baaqay inay gurmad lasoo gaaraan dadka tabaaleysan.

“Waxaan rabnaa qaylo dhaanteenna in aan gaarsiino dowladda Soomaaliya oo dalka xukunto, dowladda Jubbaland, dadka uu Ilaah wax siiyay oo qurbejoogta ah ee Soomaaliyeed, qaasatan kasoo jeedo gobolka Gedo, walaalayaal baahi baa jirto, oonbaa jiro xoolihii waa dhamaanaayaan ee dadkiina usoo gurmada” ayuu mar kale yiri Daahir.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Saddex baa ugu daran ayaa la yiri adduunka waa colaad, cudur iyo abaar, colaadana horay waa u jirtay, abaartana waa imaatay”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan Jubbaland ay qaylo dhaan kasoo saartay xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira deegaannadeeda, kadib markii lasoo wariyay dhibaatooyin adag oo ka jira deegaanno kala duwan oo kamid ah Jubbooyinka iyo Gedo.

“Waxaa jira biyo la’aan baahsan oo wayn, cunto la’aan iyo xoolihii oo saameyn badan ay ku yeelatay biyo la’aanta” ayuu yiri wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Jubbaland oo faah-faahin bixiyay.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in xaaladdan adag ay kusii fideyso deegaannada Jubbaland oo dhan, sida degmooyinka Badhaadhe, Kismaayo, Ceelwaaq, Garbahaarey iyo deegaanno kale.

“Deegaanno fara badan oo Jubbaland kamid ah waxaa laga soo sheegayaa culeyskan iyo kuleelkan wuxuuna ifafaalaha abaarta uu ka jiraa dhammaan deegaannada Jubbaland, waxaase ugu daran degmooyinka Badhaadhe, xeebaha, Kismaayo koonfurteeda iyo waqooyigeeda, ” ayuu sii raaciyay.

“Sidaas oo kale degmada Ceelwaaq ayaa kamid ah meelaha culeyska aadka u wayn uu ka jiro, degmada Garbahaarey ayaa iyadana kamid ah iyo Xagar oo Jubbada Hoose ah ayaa kamid ah” ayuu mar kale yii wasiirku.

- Advertisement -

Read more

Local News