PUNTLAND oo hanjabaad u jeedisay GUULEED !!

Garoowe  (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in kulan ka dhacay Madaxtooyada Garoowe looga arrinsaday isbedelada Siyaasadeedka ee ka dhacay Magaalada Cadaado.

Kulanka oo ay soo wada xaadireen Mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka, ayaa waxaa fariin goodin ah loo diray Maamulka cusub ee Galmudug.

Maamulka ayaa sheegay inay aamusiin doonaan Mas’uuliyiinta cusub ee Maamulka Galmudug, waa hadii ay sameeyan dhaqdhaqaaq Ciidan ama xad ballaarsi.

Maamulka Galmudug ayay sheegen inay u dhigi doonaan Taariikh lama ilaaban ah waa hadii ay horay uga soo dhaqaaqan goobaha loogu tallo galay inay ka dhigtaan xadka Galmudug.

C/kariin Gulleed ayay uga digeen inuu ka fiirsado wixii xun iyo wixii fiica, waxa uuna Maamulka sheegay in Gulleed aysan aqoonsaneyn hadii uu isticmaalo wado aan maslaxad ugu jirin Puntland ay hakin doonaan dadaalada lagu doonaayo in dhidibada loogu aaso Maamulka cusub.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta,Hidaha iyo dhaqanka Puntland Maxamuud Xassan Soocade ayaa sheegay inuu Idaacadaha ka maqlay hadalada Cabdikariim Xusseen Guuleed,waxaana uu xusay in Gulleed uusan lahayn Mansab uu kula hadlo Puntland.

Soocade ayaa sheegay in Puntland ay tahay Dawlad jirtay 16-sano,lana hadlayso Dawlad oo kaliya,wuxuu sheegay in Puntland aysan sinaba u aqoosan doonin waxa lagu dhoodhoobay Cadaado.

“Idaacadaha hadaladiisa waan ka maqlaynay Mansab uu Puntland kula hadlo dee annagu ma arago,maadama ay yihiin maamul meesha lagu dhoodhoobay, Puntland waa Dawlad cida ay la hadashaana waa Dawlad”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo dhaqanka Puntland Mudane Maxamuud Xassan Soocade ayaa sheegay in dadka ka qayb galay shirka Cadaado lagu keenay Diyaarado,ayna gadaal ka riixayaan Madaxda Dawlada Federaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com