“Waxa ay igu wadeen inaan Wasiirka la kulmayo kadibna waxaan la ilmeeyo ayay igu sameeyen”!!

Muqdisho (Caasimada Online)-Saciido Cige oo kamid ah gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho, ayaa sheegtay in faraxumeyn ay u geysteen Ciidamo ka tirsanaa Militeriga DF Somalia.

Saciido waxa ay sheegtay in Hooygeeda ay burburiyeen Ciidamo ka tirsanaa Militeriga iyaga oo hal ku dhig ka dhiganaayay in guryaha ay ka saarayaan wadooyinka.

Waxa ay sheegtay inay ka dhaga adeegtay inay ka baxdo gurigeeda, waxa ayna Ciidamadu ka dalbatay in loo geeyo Wasiirka Gaashandhiga oo ay ka amarqaatan.

Muran dheer kadib Ciidamada ayaa Saciido kuwaday inay u geynayaan Wasiirka Gaashandhiga Diini, balse nasiib darro waxa ay la aaden dhanka warshada Caanaha, waxa ayna halkaasi ku silciyeen Saciido oo 26-sano jir ah.

Saciido oo mooday inay la kulmi doonto Wasiirka Gaashandhiga ayaa waxaa abaal looga dhigay kufsi iyo faraxumeyn waxa ayna nasiib u yeelatay in qeybo kamid ah Jirkeeda leysku furo.

”Waxa ay igu wadeen inay wasiirka ila kulansiinayaan kadibna waxaan la ilmeeyo ayay igu sameeyen” ayay tiri

Dhanka kale, dhacdadaani ayaa imaaneysa iyadoo Ciidamada Militeriga ay noqdeen kuwa ugu badan ee Haweenka Soomaaliyeed u geysta faraxumeyn, waxaana xusid mudan in haween badan ay naftooda kuwaayen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com