Xog cusub: Dam-Jadiid imisa ayay ku iibsadeen codadka xildhibaanada maamulka GALMUDUG?

Cadaado (Caasimada Online) – Warar hoose oo naga soo gaaraya Cadaado ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu dhaqaalihii ugu badnaa shalay subax ka dajiyay garoonka Magaalada Cadaado.

Dhaqaalahaasi ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid loogu tallo galay Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo iyagu codka ka iibsaday Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xusein Gulleed.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in calaa Xildhibaan lasiiyay lacag adag oo ay ku badalanayeen Codkooda.

Xildhibaan ka tirsan kuwa u codeeyay Gulleed ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Xildhibaanada loo kala saaray 3 qeyb, qeyb waxaa la siiyay 5,000, qeyb waxaa la siiyay 10,000 halka qeybna laga siiyay 15,000, lacagtaasi oo laga saaray qasnada DF Somalia, xili ay shaqaalaha Dowladu yihiin kuwo aan dhowr bil qaadan xuquuqdii ay lahaayen.

Bixinta iyo qeybinta lacagahaasi ayaa waxaa loo xil saaray Xubno ka tirsanaa Damjadiid oo ka howlgala Madaxtooyada Somalia, waxaana lasoo warinayaa in Madaxweyne Xassan uu Online ka ahaa qadka Telefoonka ilaa inta laga soo idleeyo doorashada.

Waxaa jiro qorsho uu C/kariin Gulleed xilal ugu magacaabayo Xubnihii kula tartamaayay doorashada, inkastoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Xubnaha wasiirada noqon doono liiskooda uu yaalo Xafiiska Madaxweyne Xassan, waxaana u badnaan doona Xubno ka howlgala Madaxtooyada iyo wasaaradaha kuwaasi oo ka tirsan Damjadiid.

Dhanka kale, waxaa jiro heshiisyo hoose oo dhex maraayo xubno ka tirsan Ahlusuna kuwaasi oo lagu qancinaayo wasaarado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com