SAWIRRO: Qarax xooggan oo lala eegtay sarkaal Nabad-Sugida ka tirsan iyo qasaare ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax qasaaro geystay lala eegtay sarkaal sare oo ka tirsan nabad sugida Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay agaagarka Shineemo Africa oo ku taalay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, sida dad goobjoogayaal ah ay xaqiijiyeen.

Qaraxa ayaa waxaa lagu xiray gaari Noha ah oo uu watay sarkaal ka tirsanaa hayada Nabad sugida, kaasi oo magaciisa lagu sheegay C/casiis C/laahi Xabiib.

Wararka qaraxa la xiriira ayaa sheegaya in dhaawac daran uu soo gaaray sarkaalka qaraxa lala eegtay oo watay gariga qaraxa lagu xiray.

Ciidamo ka tirsan hayada sirdoonka qaranka ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana kadib la sheegay  nabad sugida Soomaaliyaaraay sarkaalka ka tirsan nabad sugida Soomaaliya.
Qarax

1

2

3

4

5

6

7

8

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com