AXMED Macallin FIQI oo kashifay hagardaamadii ay kooxda DAM-JADIID ay ku sameysay (Aqriso)!

Muqdisho (Caasimada Online)-  Axmed Moalim Fiqi oo kamid ahaa musharaxiintii u taagneyd doorashada Maamulka Galmudug, ayaa ka sheekeyay qaabka uu C/kariin Gulleed uga itaal roonaaday.

Waxa uu sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabay codadka uu ka heystay Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, balse uu aaminsan yahay in looga hiiliyay Gulleed.

DF Somalia ayuu sheegay inay dadaal ku bixineysay sidii looga itaal roonaan lahaa, balse wax waliba oo dhaca xiligaani yahay mid ku qanacsan.

Mr Fiqi ayaa wareysi uu siiyay VOA, waxa uu ku sheegay in Dowladda ay sabab u tahay guuldaradiisa, taasi oo uu sheegay in dhaqaalaha ugu badan ay ku bixineysay Musharaxa C/kariin Xuseen Guuleed.

“Aniga waxaan ahaa shaqsi kaliya oo ku kalsoonaa naftiisa, majirin cid aan aheyn bulshada oo i garab taagnayd lakiin nasiib xumo Dowladda ayaa iga hiilisay”

Nasiib darro ayuu ku sheegay in dhaqaalihii Qaranka leysugu geeyay shaqsi, waxa uuna tilmaamay in DF Somalia ay si ganbasho la’aan hanti Qaranka ugu bixineysay Gulleed.

Haddalka Fiqi ayaa u muuqda mid muujinaayo sida ay Damjadiid kaga soo horjeeday in Galmudug loo gacangaliyo Ururka Aalla sheikh.

Xubnaha ugu sareeya Baarlamaanka Galmudug, ayaa ah Xubno kawada tirsan Aalla sheikh waana tan qalqal galisay Danjadiid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com