XASAN SHEEKH oo QM u diray warqad Kenya u fududeeneysa boobka badda SOMALIA (ARAG)!!

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay u gudbiyey qoraal ku taariikhaysan June 30, 2014 kaas oo ku saabsan badda Soomaaliya, waxaana UN-ku faafisay July 3, 2014. Qoraalkaas oo si qayaxan uga hor imanayaa (ama si qayaxan uu baabi’inayaa) xeerkii badda Soomaaliya ee Law no. 37.

Qoraalkaas uu ku saxiixan yahay madaxweynaha DFS (in kasta oo uusan laxayn tixraac madaxtooyo/ref) waxa uu tibaaxay in EEZ-ka (aagga dhaqaalaha badda) uu yahay 200nm, halkii uu ka ahaa 200nm oo ah “Territorial Waters” (dhul badeed). Sidoo kale kama hadlin kordhintii badda Soomaaliya ee ahayd 350 mayl-badeed. (Eeg halkan faraqa u dhaxeeya EEZ iyo territorial sea)

saxiixa xasan1Waxaa sidoo kale qoraalka la socda 39 bog oo ku saabsan ama lagu qeexay dhigaha iyo loolka badda Soomaaliya, laakiin aan lahayn magacyo lagu garto aagga laga hadlayo.

Waxa kale oo qoraalku tibaaxay “Meelaha EEZ-ka Jamhuuriyadda Soomaaliya uu deris kala yahay dal kale oo xeeb leh, waxaa markaas Jamhuuriyadda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay wada xaajood kala gasho dalka aragtidaas qaba si markaas loo kala xadeeyo EEZ-ka badda”.

Hadalkaasi waxa uu dhigmaa “muran gelintii badda Soomaaliya ee Kenya damacsanayd” taas oo ay hore uga dhiidhiyeen shacabka iyo baarlamaanka Soomaaliya, waxaana hadalkaas madaxweynaha DFS ku qayaxan in uu hirgelinayo damacii Kenya ee ahaa in la yiraahdo aan ka wada xaajoono baddiina aan muranka geliney xilligii xukuumadii Sheikh Shariif.

Waxaana muuqata in qoraalkaas aan la marsiin baarlamaanka Soomaaliya ka hor intii aan loo gudbin Qaramada Midoobey, jawaabta baarlamaanku arrintaas ka bixiyo ayaa shacabka Soomaaliyeed sugayaa.

Horraantii bishii June 2014 ayey ahay markii ay soo shaac baxday in Kenya oo doonaysa in heshiiskii uu hore u diiday baarlamaanka Soomaaliya ay markale la gasho xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Halkan ka akhri qoraalka uu ku saxiixan yahay Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamud June 30, 2014,  waxaadna barbar dhigtaa xeerkii badda Soomaaliya ee Law no 37 ee soo baxay 1972, oo isna kasii hooseeya.

Qoraalka Xasan Sheekh uu u diray QM

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2014/07/SOM_2014_Proclamation.pdf”]

Xeerkii badda Soomaaliya ee Law no 37 ee soo baxay 1972

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2014/07/SOM_1972_Law.pdf”]

…………..
Tixraac Bogga UN-ka:

Letter from Hasan Sh Mohamud to UN

http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_2014_Proclamation.pdf

Coordinates:

http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_2014_EEZ.pdf

UN Press release:

http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/mzn_s/mzn106ef.pdf

Law no. 37 of 1972
http://www.un.org/depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_1972_Law.pdf


June 6, 2013 ayey ahayd markii golaha wasiirada Soomaaliya ay caddeeyeen in: Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran. akhri….

FG: Caasimada Online waxay qoraalkan baahisay sanad ka hor, waxaana hadda soo shaac baxay wixii aan horey uga dignay.