Xog: Shir halis ku ah mustaqbalka SOMALIA oo ka dhacay Xalane (Maxaa dhacaya 23-24 July?) !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir qarsoodi ah oo lagu goynayey mustaqbalka Soomaaliya ee kadib 2016, ayaa khamiistii July 2 2015 ka dhacay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, sida ay xubno joogay u sheegeen Caasimada Online.

Shirka oo ay ka qeyb galeen wakiilada caalamka ee fadhiya Xalane, ayaa looga hadlay qaabka uu noqon doono baarlamanka cusub ee Soomaaliya ee 2016.

Waxaa shirka lagu go’aamiyey in maamul goboleedyada dalka ka jira ay soo xulaan xubnaha cusub ee baarlamanka. Waxaa kale oo la isla gartay in 23 illaa 24-ka July magaalada Muqdisho lagu qabto tababar la siinayo maamul goboleedyada.Waxaa tababarka uu ku saabsan yahay qaabka soo xulista baarlamanka cusub.

Sidoo kale 29-ka illaa 30-ka July ayaa waxaa Muqdisho ka dhacaya shirka madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka, halkaasi oo go’aanada cusub ee 2016-ka lagu gaari doono.

Xubno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa aad uga carrooday tallaabadan, waxaana ay sharaf dhac ku tilmaameen in mustaqbalka Soomaaliya ay go’aan ka gaaray dalal shisheeye, ayada oo aan lagala tashan baarlamanka.

Qorshahan waxaa wax ka wada madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa doonaya in wax maamul ah uusan ka dhismin deegaanada beelaha Hawiye, si dowladda uu madaxda u yahay ay usoo xusho xildhibaanada cusub ee gobollada uusan maamulka ka jirin, taasi oo ka dhigeysa inuu keensan doono xubno isaga wax ka maqla.

Qatarta uu madaxweyne Xasan Sheekh la damacsan yahay Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaan ka qornay warbixin xasaasi ah. Halkan ka aqri

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com