Fashilkii ETHIOPIA ee shalay + Ninkii ka jaajusay Axmed C/salaan + PLAN B ay Ethiopia diyaarisay

Dad badan ma aysan fileyn in Axmed Cabdisalaam guul ka gaaray doorashada Galmudug, hase yeeshee waxa ay ugu yaraan rumeysnaayeen inuu loolan adag geli doono Axmed Macallin Fiqi iyo Cabdikariin Guuleed oo kusoo baxay doorashada. Taa beddelkeed waxaa dhacay inuu wareega koowaad helo 12 cod, wareega labaadna 15 cod.

Haddaba maxaa ka qaldamay Axmed Cabdisalaan?

Ololaha doorashada Axmed Cabdisalaan waxaa kaabe ka ahaa nin lagu magacaabo Kamaal Guutaale, oo horey u ahaan jiray madaxa shaqaalaha (Chief of Staff) Villa Somalia.

kamaalKamaal waxaa la rumeysnaa inay kala irdhoobeen Damu-Jadiid iyo Xasan Sheekh, sidaas darteed ayuuna ula xirtay Axmed Cabdisalaam. Si kastaba xogta soo baxeysa waxay sheegeysaa in Kamaal uu u been dheelay Axmed, uuna ahaa jaajuus Guuleed u fadhiya xarunta Axmed Cabdisalaa.

Waxa uu dhammaan sirta Axmed Cabdisalaan iyo qorshihiisa doorashada si hoose ugu gudbinayey Guuleed iyo Damu-jadiid. Guutaale ayaa waxa uu haystaa ballan qaad ah in lagu beddeli doono wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Odowaa oo ay isku beel yihiin, mana cadda in ballantaas uu ka dhabeyn doono Xasan Sheekh iyo in kale.

Arrimahan ma ahan kuwa ku cusub Guutaale. Markii 2012-kii ay dhaceysay doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxa uu ololeynayey Cabdi Weli Gaas, oo uu ka dhaadhciyey inuu u keeni doono codadka xildhibaanada Hawiye, hase yeeshe waxa uu ahaa jaajuus ku xiran Xasan Sheekh, oo sirta Gaas u gudbin jiray kooxda Damu-Jadiid, taasi oo guul-darro weyn Gaas dhabrka u saartay.

Aan ku faraxno fashilka Ethiopia

Dad badan kuma faraxsana doorashada Cabdikariim Guuleed ee Galmudug, sababo la xiriira waxqabad la’aantii horey loogu bartay iyo dhibka kooxda Damu-Jadiid ay ku hayso dalka Soomaaliya.

Waxaan raadiyey wax un haba yaraatee, oo doorashadaas aan ugu farxi karno, waxaana iisoo baxday hal arrin oo ah in doorashadii shalayee Galmudug ay tahay guul-darro gaartay dowladda Ethiopia oo rumeysan inay Soomaalida oo idil maamusho.

Waa macquul in kadib doorashadiisa Guuleed uu la xiran doono Ethiopia, wayna u badan tahay, balse ugu yarraan inta aan la doorran ka hor waxa uu loolaan siyaasadeed oo adag la galay kagana adkaaday dowladda Ethiopia.

Dowladda Ethiopia oo si aad ah u taageerta kooxda u adeegtay ee Ahlu-Sunna, ayaa dagaal siyaasadeed u gashay sidii uu ku guuleysan lahaa Axmed Cabdisalaan oo siyaasad ahaan ku xiran xukuumadda Addis-Ababa, lana rumeysnaa inuu sidoo kale isbaheysi la ahaa Ahlu-Sunna..

Waxaa jira warar sheegaya in Ethiopia ay uga baxday ballanqaadyo dhowr ah, ama aysan sidii la rabay ugu ololeyn doorashadiisa. Laba wejiile-nimada ma ahan wax ku cusub Ethiopia, oo waxa ay marar badan dhabarka ka toogatay kuwa ayada u adeegi jiray, haba ugu weynaado AUN Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Doorashada Galmudug ayaa muujisay in inkasta oo Ethiopia ay aad faraha ugala jirto siyaasadda Soomaalida, haddana inaysan Soomaalida hoggaan uga dhigi karin qof aysan ayaga rabin, sida shalay ka dhacday doorashadii Galmudug. Waxaa caddaatay sida Soomaalida usii naceyso Ethiopia iyo saameyntooda oo sii yaraaneysa.

Si kastaba, arrinta murugada leh ayaa ah in siyaasiyiinta Soomaalida aysan garwaaqsaneyn in Ethiopia oo lagu xirto aysan mar walba guul kugu hoggaamin karin oo aysan jirin wax ay uga baqaan, dalkuna yahay dal xor ah oo madax banaan. Waxaa cabsidu tahay in Guuleed qudhiisa uu kadib doorashadiisa la saaxiibi doono Ethiopia.

Qorshaha labaad (Plan B) ee Ethiopia.

Inkasta oo Ethiopa ay guul-darro ka qaadatay doorashadii shalay, haddana waxa ay mar horeba sii diyaarsatay qorshaheeda labaad (Plan B). Doorashadii dhowaan ka dhacday Dhuusomareeb ee madaxweynaha ay ku doorteen Ahlu-Sunna, waxaa soo hindistay Ethiopia.

Qorshaha Ethiopia waxa uu ahaa in haddii Axmed Cabdisalaan guuleysto, madaxweyne beenaadkooda daaqadda ka baxo, haddiise laga adkaado, sida hadda dhacday, inay madaxweyne beenaadookooda ku kiciso Galmudug. Waxaa laga cabsi qabaa in Ahlu-Sunna oo taageero ka heleysa Ethiopia ay qaado dagaalo ay ku qabsaneyso dhulal kale oo hor leh.

Qorshaha xigi doona dagaaladaas, ayaa ah in Ethiopia ku dhowaaqdo inay dhex dhexaadineyso labada dhinac, ayna isugu geyn doonto Addis-Ababa. Sidaa darteed waxaa shaki geli doona sharci ahaanshaha maamulka Galmudug, kuna qasbi doonta wada-xaajood, maadaama Ahlu-Sunna dhulal badan haysto.