Daawo Sawirada: Maamulka Somaliland oo loogu deeqay gaadiid dagaal oo casri ah + QORSHAHA

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka carabta ayaa Maamulka Somaliland ugu deeqday gaadiid dagaal oo farabadan.

Gaadiidka dagaal oo isugu jira kuwo gaashaaman iyo kuwa kale ayaa waxaa munaasabad halkaasi ka dhacday kula wareegay Xubno ka tirsan Madaxtooyada Hargeysa iyo Saraakiisha Ciidamada Militeriga iyo Booliska.

Gaadiidka ayaa waxaa sidoo kale ku jiray Booyado tirobadan oo ah kuwo tankoodu weynyahay, Mootooyinka Ciidamadda Booliska ee hor carara Madaxda iyo kuwa Sarakiisha Ciidamada Boolisku ka xaystaan iyo noocyo kale.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxmauud ‘’Silaanyo’’ iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa booqasho rasmi ah dhawaan ku tagay dalka Imaraadka Carabta, kadib markii ay marti qaad ka heleen Madaxda dalkaas, waxa ayna Deeqdani hordhac u tahay heshiisyo badan oo dhex maray Maamulka Somaliland iyo Imaraadka Carabta.

123

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com