DFS: Ciidamada BURUNDI waa ay niyad jabeen !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya, C/rashiid Maxamed Xidig, ayaa daboolka ka qaaday inaanu mooralkoodu wanaagsanayn Ciidanka Burundi, ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya.

Wasiiru Dowlaha waxa uu sheegay Ciidanka Burundi inay ka walaacsan yihiin qalalaasaha siyaasadeed ee dalkooda ka taagan, taana ay tahay midda niyadooda xumeysay.

Wasiiru Dowlaha, ayaa soo hadalqaaday cudurkii Ebola ee ka dilaacay dalka Sierra Leone, uuna saameeyay Ciidankii Sierra Leone ee ku sugnaa Gobolka Jubbada Hoose, dibna ay ugu laabteen dalkooda.

Waxa uu sheegay Amisom in looga baahnaa inay qaado tallaabo deg deg ah oo la xiriirta xaaladda cusub ee la soo deristay Ciidanka Burundi, isagoona ku dhaliilay inay ka seexatay la socodka wada jirka Ciidamadeeda.

Markale, ayuu Amisom ku dhaliilay inay ka sii jeedsatay la socodka Ciidanka Burundi, haddii xaalad adag ay ka taagan tahay dalkooda, saamayna ay ku yeelan karto kala qaybsanaanta siysaadeed ee Burundi ka jirta.

C/rashiid Maxamed Xidig waxa uu tilmaamay inuu jiro qorshe lagu doonaayo in ciidan kale lagu geeyo goobaha ay ku sugan yihiin Ciidanka Burundi iyo in iyaguna lagu sameeyo dib u habayn, si shaqooyinkooda ay u qabsadaan.

Xidig, ayaa waxa uu hadalkan ka sheegay Barnaamijka Dooda Jimcaha ee Laanta afka Somaliga ee VOA, oo Jimcihii looga dooday dib u gurashada Amisom ay ka wado Gobolka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com