Ciidamada DFS oo qaaday tallaabo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka meletariga dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sharaxaad ka bixiyay howlgalo ay ku qaadeen isbaarooyin badan oo yaalay wadada isku xirta gobolka Shabeelaha Hoose, Dhexe iyo Banaadir.

Generaal Maxamed Maxamuud Qaafow, taliyaha ciidamada meletariga qeybta 12 April oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ku guuleysteen ciidamadooda lana qaaday dhamaan isbaarooyinkii yaalay goboladaasi.

Taliya ayaa ciidamo dowlada ka tirsan iyo kuwo isku ekeysiinaya ku tilmaamay dhamaan dadka dhigtay isbaarooyinka yaala afarta wado ee ka baxda magaalada Muqdisho ee caasimada dalkeena Soomaaliya.

WUxuu sidoo kale sheegay in qorshaha isbaarooyinka lagu qaaday ay ka dambeysay kadib markii ay bateen cabashooyinka kasoo yeerayay shacabka Soomaaliyeed ee ku sufraya wadooyinkaasi.

“Afarta wado ee ka baxdo Muqdisho waxaa la maqli jiray inay dad hobeysan oo isbaarooyin inay yaalaan, laakiin arintaasi waan ku guuleysanay waana wada qaadnay isbaarooyinkaasi, waxaana wasaarada maaliyada ay suurto u ah inay canshuur qaadaan” sidaasi ayuu yiri Generaal Qaafow.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa digniin u jeediyay dadka ku howlan inay isbarooyin soo dhigtaan afarta waddo ee soo gasha kala baxdo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com