Warbixin: Madaxda DF SOMAALIYA iyo shaqaaleynta ina-adeereysan ee DFS

By Asad Cabdullahi Mataan

Il-duufsi siyaasadeed, galti maamul Xukuumadeed iyo turunturooyin kale ayaa laga dareemayey dhamaan Xukuumadihii dalka soo maray tan iyo burburkii Dowladnimo ee bilowgii sannadkii 1991-kii.

Habacsanaanta iyo marnaanshihii Nidaamkii Dowladnimo Kacaankii Oktobar kadib, waxa uu Masraxii Dowladnimo iska noqday mid jaantaa rogan ah, Waxaana magacaabista Mas’uulka istaahila Xilka Qaranka lagala tashan jirey oo soo gudbin jirey dad aan ehel u ahayn Nidaamka Dowladnimo.

In Kaabo qabiilka ama Gacan-yarayaashiisa soo magacaabaan Mas’uulka Beelaha wakiilka uga noqonayo Xilka Qaranka ayaana loo markhaati yahay qaabkii loo soo mari jirey magacaabistiisa, oo haddii lagu gacan sayrana la isku habar wacan jirey, difaacyo iyo soohdimo-beeleedyo loo kala oodan jirey.

Waa Taariikh ma-doonto in Geeljire, Dareewal Tekniko, Kaabo Mooryaan, Bagaashle, Shidaal-gade iyo Ganacsade dhiigga dadka malabsaday loo magacaabi jirey xilalka min Wasiir ilaa Agaasime Xafiiseed ama Taliye Ciiddan.

Gar iyo Gar-darro ha ku yimaadeen, waxaa dadkaasi la magacaaba ku sii hoos noolaan jirey oo ilaa iyo haatan raadadkooda sii muuqdaan in nidaam Hayb-soocan lagu soo xulo Shaqaalaha uu Mas’uul kasta madaxda ka yahay.

Wasiir kasta ama Mas’uul kasta waxaa Xoghayntiisa ilaa shaqaalaha hoose intaba wada yihiin kuwo ku hayb tirsada, laga yaabee inay ku jiraan dadka uu ka shaqaaleysiiyo Hay’adda uu madaxda ka yahay carruur uu dhalay ama uu Waalid iyo xigto yihiin.

Ku-salaynta Nidaamka Beeleed ayaana udub-dhexaad u noqotay habowga haysta Madaxda Dowladda Federalka oo iyuagu weli dhiiggii Maamul-beeleedyadda ku sii dambeeyo.

Galti-siyaasadeedka taagan ayaa mararka qaarkooda waxaa la arkaa inay Mas’uuliyiinta aqooninba waxa Xilka loogu magacaabay iyo Tubta Shaqo ee loo jeexay iyo waxay ugu tuntaan Sharciga, isla markaana u illaabaan inay ka dhabeeyaan Dhaartii uu maray markii xilkaasi loo dhiibayey.

Markaynu eegno Masraxa Maamulka ee xilligan, waxaa naadir ku ah inuu Wasiir ka danqado darxumidda taagan, gaar ahaan sidii loo soo nooleyn lahaa Astaamihii Qaranimadda.

Sababaha ugu nugul ee taasi horseeday ayaa la oran karaa inaysan ahayn Waddaniyiin, maadaama uu Wasiir kasta uu wato hal Baasaboor Ajnabi ama in ka badan, taasi oo laga dareemi karo inay dalalka kale ee ay Dhalashadda ka haystaan u nugul yihiin.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in loo baahan yahay in culayska la saaro sidii Mas’uuliyiinta sare loogu carbin lahaa Qiimaha Waddaniyadda iyo Xuquuqda dhabta ee lagu leeyahay, mana aha in Mas’uul aan Waddani ahayn lagu naas-nuujiyo xil uusan garasho u lahayn.

Mana ah Nidaam Dowladnimo in Xafiisyadda Wasiiradda ka wada hawl-galaan dad khaas ah oo ay isku hayb yihiin, waxaana loo baahan yahay in la saxo, lana qiimeeyo caddaaladda Muwaadiniinta kale ee Xuquuqdooda lagu tumanayo.

Si kastaba ha ahaatee, in wax la saxo waa muhiim, guuxa dadweynahana waxay ka turjumaan hadba marxalladda lagu jiro, waxaana Xukuumadda la gudboon in la xagal toosiyo qalaadaadka nidaamka ehelnimadda ku dhisan, lagana gudbo Dabeecadaha farta lagu fiiqayo ee ka muuqdo inta badan Xafiisyadda Madaxda Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com