War ka cusub lacagtii laga xaday bankiga iyo Xasan Sheekh oo ninkii xaday ku…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo hadal ka jeedinayay xaflad habeen sii horeeyay lagu dabaal dagayay afar sano guuradiisii madaxweynenimo ayaa si adag kaga hadlay lacagtii Bangiga Soomaaliya lagala baxay.

Xasan Sheikh Maxamuud oo munaasabada ka hadlayay ayaa sheegay in TUUG uu ku tilmaamayo ruuxii lacagta kala baxay Bangiga Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu  sheegay in dowlada Soomaaliya ay waddo baaritaano ku aadan qaabkii dhaqaalahaasi loo bixiyay iyo halka ay ku baxeen.

“Waxaan rabaa inaan ka hadlo arinta Bangiga, Ruuxii Bangiga lacagta kala baxay waxaan leenahay waa TUUG sababto ah wuxuu xaday dhaqaalo Soomaalida oo dhan wada leedahay” ayuu yiri Xasan Sheikh.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ah musharax doonaya xilka madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkaan wuxuuna talada dalka hayaa muddo afar sano ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com