Saddex arrin oo keeni kara in Xasan Sheekh dib loo soo doorto

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay sii xoogeysaneyso ololaha doorashada 2016 ee Soomaaliya, ayaa waxaa soo badanaya musharixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha.

Ilaa iyo hadda musharaxiinta is shaaciyay iyo kuwa la ogyahya inay jidka ku soo jiraan ayaa gaara 31 musharax, waxaana la filayaa inay ka tiro bataan kuna dhowaadaan 50.

Saadaasha xilka madaxweynaha ayaa xilligan ah waqti hore, tiiyoo qaabka ay wax u socdaan ay dhici karto in dib u dhac kale ku yimaado doorashada ayaa haddana qormadan yar ku qiyaaseynaa fursadaha uu heysto madaxweynaha doonaya in mar labaad dib loo doorto ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Ka sokow inuu hadda yahay madaxweynaha, isla markaana awood iyo hanti badan uu awood u leeyahay inuu u adeegsado doorashadiisa, waxaa kaloo soo baxaya sababo kale oo keeni karta in dib loo doorto.

Saddexda arrimood ee ugu waaweyn in Xasan Sheekh uu ku soo laabto kursiga waxay kala yihiin:

1 – MUSHARAX MIISAAN LEH OO AAN WELI MUUQAN

Ilaa iyo hadda ma muuqdo ciriiri weyn gelin kara Xasan Sheekh marka la eego dadka si rasmi ah isu sharxay xilkan iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Siyaasiyiinta hadda xilkan isu taagay qaarkood waxay sabab u noqon karaan inuu Xasan soo laabto, taasoo ay ugu wacan tahay inaysan lahayn wax sumcad ah ama hore loogu bartay falal ka hor istaagi kara, waxayna dhibaatada ugu weyni tahay in la waayo musharax miisaan leh oo Xasan Sheekh ka hor istaagi kara inuu soo laabto.

Si kastaba, waxaa jira siyaasiyiin miisaan leh sida Sheekh Shariif, Farmaajo iyo Jabriil Ibraahim Cabdulle, hase yeeshee weli si rasmi ah uguma aysan dhowaaqin musharaxnimooda.

2 – XASAN OO UGU HANTI BADAN MUSHARIXIINTA

Madaxweynaha xilka ka dhammaaday waxaa lagu tilmaamaa nin muddo dheer ka shaqeynayay inuu dib u soo laabto, isla markaana hanti badan meel u dhigtay doorashadiisa, iyagoo la ogyahay in doorashooyinka Soomaaliya ay ku dhisan yihiin hadba qofkii lacag badan heysta, waxay tahay arrinta labaad ee keeni karta in Xasan Sheekh soo laabto.

Xasan waxaa afar sano gacanta ugu jiray hantidii umudda, wuxuuna muddadaas urursaday lacag badan, xilli shaqaale badan aysan helin mushahar, haba ugu badnaadeen ciidamada qaranka.

3 – XISBIGA XASAN SHEEKH (PDP)

Xisbiya Xasan Sheekh (PDP) iyo kooxda Damjadiid waa koox ka dhisan, kama nidaamsan xisbiyada kale iyo kooxaha kale ee siyaasadeed, waxaana xisbiga madaxweynaha uu leeyahay waaya-aragnimadii doorashadii hore, kadibna waxaa u suuragashay inuu ku milmo talada dalka

Qodobadda kor ku xusan iyo kuwo kale oo ay ku jiraan qorshooyin kale oo Xasan Sheekh u diyaarsan oo ay ku jiraan balanqaadyo xileed iyo kuwa hantiyeeed waxa mar kale halis loogu jiraa inuu Oday Xasan dib u soo laba kacleeyo.

FG: Faalladan waa horudhac, waxaana cusbooneysiin doonaa hadba sida ay wax isku beddelaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com