Xog: CC oo walaacsan kuna sii jeeda Puntland kadib markii Gaas iyo Xasan ku heshiiyeen…

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaraha xilku ka dhamaadey ee Soomaaliya, islamarkaana ah musharax u taagan doorashada maaxweynaha Somalia ayaa ku wajahan maalmaha soo socda deegaanada Puntland.

Wararkaan ayaa sheegaya in safarka Cumar Cabdirashid salka ku hayo ololaha doorashada loogu jiro tartanka madaxwynaha Somalia, kasoo dhici doona dabayaaqada sanadkaan.

Ilo ku dhow xafiiska Ra’iisal wasaraha, ayaa sheegaya in booqashadaan sidoo kale ku saabsan tahay sidii Cumar Cabdirashid u heli lahaa xubin ka tirsan kursiga aqalka sare ee Barlamanka Federaalka ah.

Cumar ayaa la sheegay inuu soo saaray walaac ku saabsan inuusan heli doonin taageerada Puntland marka ay timaado musharaxnimadiisa

Warar aan la xaqiijin oo xalay soo baxay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas uu siyaasiyan tageerayo Xasan Shiikh in dib loogu doorto xafiiska Madaxweynaha Somalia.

Labadii sano ee ugu dambeysay ayaa Xasan waxyaabo badan oo Soomaalida kale ka carreysiiyey uu u sameeyey Puntland, waxaana ugu weyn xubnaha dheeriga ah ee uu aqalka sare ka siiyey iyo dhaqaale xooggan.

Arrintan ayaa la sheegay inay tahay waxa walaaca ugu weyn ku haya Cumar Cabdirashiid, oo daanaya xubin aqalka sare ah, maadaama rajadiisa uu mugdi soo galay.

Booqasho tan lamid ah ayaa wararka kale ee laga helayo Villa Somalia xusayaan in madaxweynaha xilku ka  dhamadey Xasan Shiikh ku tagayo Puntland asbuucyada soo socda.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com