Waraaqo ‘Jacayl’ oo Barack Obama u diray gabadh oo lasoo bandhigay

Washington (Caasimadda Online) – Goormaa kuugu dambeysay waraaqo jacayl oo loo diro qof lammaane ah oo xiriir haasaawe idinka dhaxeeyo, balse aad kala fogtihiin.

Hagaag, dabcan hadda waa laga gudbay casrigii waraaqaha la’isu qori jiray aaladaha casriga ah iyo Internetka oo hadda adduunka la wareegay awgiis, balse 30 sano ka hor sidee ayay dadka wax isugu qori jireen , gaar ahaan madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama?.

Waxaa lasoo bandhigay markii ugu horaysay waraaqo jacayl ah oo uu madaxweynihii hore Barack Obama u diray gabadh uu caashaqay markii uu dhalinyarada ahaa.

Araaqahan oo gacanta lagu qoray ayaa waxa ay muujinayaan dareenkii xiligaas uu Obama ka qabay isirkiisa, xagga shaqada iyo lacagta.

Obama

Gabadha uu Obama calmaday ayaa lagu magacaabaa Alexandra McNear oo ay kulmeen iyaga oo arday ah gobolka California.

Waraaqahan ayaa waxaa heshay jaamacadda Emory sanadkii 2014-kii, balse hadda oo kaliya ayaa lasoo bandhigay.

“Waxay ahaayeen kuwa si qurux badan loo curiyay, waxa ay muujinayaan baadi goobkii nin da’ yar uu ugu jiray aqoonsiga qofka uu yahay” ayay tiri Rosemary Magee oo ah madaxa maktabadda jaamacadda oo waraaqaha la dhigay.

Waraaqaha ayaa waxaa la qoray sanadkii 1982-dii iyo 1984-tii, shan sano ka hor intii Obama uusan la kulmin xaaskiisa Michelle Obama.

Mid ka mid ah warqadaha ayuu ku qoray “Waxaan ku kalsoonahay in aad ogtahay in aan ku tabay, in aan kaa fikiro, kalsoonida aan kugu qabo waxa ay u baaxad weyntahay sida gunta badda oo kale, jacaylka aan kuu qabo waa mid hodan ah, baaxadna leh”.

Warqad kale ayuu ugu qoray in saaxiibadiis ay doonayaan in ay guursadaan, isaga oo gabadha u sheegay in uu doonayo guur.

Wuxuu ka sheekeeyay noloshiisii xiligaas, gaar ahaan mar uu shaqo ka heley shirkad wax daabacda oo uu sheegay in aad loo ammaanay shaqadiisa.

Obama ayaa xilka uu ka dhamaaday bishii Janaayo ee sanadkan, wuxuuna leeyahay qoys ka kooban xaaskiisa Michelle iyo labadiisa gabdhood Sasha iyo Malia.

Xigasho: BBC SOMALI