27.8 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

Qarax aad u xoogan oo goordhow ka dhacay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Marko (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ciidamada AMISOM lagula eegtay magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa ayaa lagu sheegay inuu ahaa bam gacanta laga tuuro ciidamada AMISOM lagula eegtay mid kamid ah xaafadaha magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha qeybta booliska ee magaalada Marko Ismaaciil Axmed Cismaan oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in qasaaro badan uusan geysan qaraxa lala eegtay ciidamada AMISOM, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamada Ceeljaale ayay kasoo baxen Bam gacmeed lagu soo riday ayuu ahaa, xabado ayaa kadib dhacay oo racdo reeb ahaa, qasaaro ma jiro oo dhimasho iyo dhaawacba, anigaa kuu xaqiijinaya, wax qasaaro ahna AMISOM maysan soo gaarin”.

“Meel Buundo oo Nation-ka u dhow waaye oo mar walbaa ayay wax kasoo tuuraan ciidamada AMISOM-na meesha wey maraan mar walbaa, haddana 1o ruux ayaan qabanay laakiin waan sii deyney ileen dadka magaalada ayay noqdeen”ayuu yiri.

Laakin dadka deegaanka oo aan la hadalnay ayaa sheegaya in waxyeelo ay kasoo gaartay ciidamada AMISOM ee qaraxa lala eegtay.

Caasimada Online
Xafiiska Marko
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News