26.5 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

Colonel Barre Hiiraale oo diiday qorshe wasiirka arrimaha gudaha uu kaga dhawaaqay Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online)- Barre Aadan Shire Barre Hiiraale iyo dhinacyada taageersan ayaa si weyn kaga hor yimid qorshe  magaalada Kismaayo uu kaga dhawaaqay Wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya.

C/raxmaan Odawaa, ayaa ka sheegay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose in magaalada Kismaayo ka furan tahay qorshaha soo xulista baarlamaanka maamulkaasi yeelanayo.

Dhinacyada Barre Hiiraale, ayaa aamisan  in maamulka Axmed Madoobe uu yahay mid xaq daro ku dhisan oo aysan soo xuli karin xildhibaanada baarlamaanka deegaanada Gedo.

Afhayeenka Barre Hiiraale C/raxmaan Gaas, oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in wasiirka arimaha gudaha uu ku fududaaday hadalka uu ku sheegay in gogosha baarlamaanka Jubbaland ka furan tahay magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay iney jiraan waxyaabo badan oo ay ka tirsanayaan maamulkaasi, ayna wanaagsaneyn in maamulkaasi lagu taageero cadaalad daro, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu dowlada Soomaaliya sidoo kale ku dhaliilay iney iska ilowday qorshihii ay ciidamada Barre Hiiraale ku geysay magaalada Kismaayo ee gobola Jubbada Hoose, isagoo eedeeyay madaxda dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News