Kenya (Caasimada Online) – Xildhiban Cabdulaahi Diiriye Dhakalow, oo kamid ah baarlamaanka dalka Kenya ayaa kasoo horjeesty qorshe dowlada Kenya ay ku dooneyso iney gidaar kaga sameyso xuduuda ay la wadaagto dalka Soomaaliya.
Xildhibaan Dhakalow, ayaa sheegay in qorshahaasi uu yahay mid dowlada Kenya ay ku dooneyso iney amaanka ku adkeyso, laakiin ay ka hor imaan karaan caqabado badan sida uu sheegay.
“hindihaas wuu jiraa waxaana laga dhisayaa Mandheera ilaa Lamu, laakiin taasi aniga waan kasoo horjeedo, waxaana habooneyd in sirdoonka la kordhiyo oo ciidamo badan la geeyo, laakiin gidaar waxba masoo kordhinayo”ayuu xildhibaanka sheegay.
Xildhibaanka Dhakalow, ayaa sidoo kale sheegay iney jiri karaan dulduleelo iyo waddooyin badan oo soo gala xuduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
“Darbiga waa la duleelin karaa, waddooyin badanna wey jiraan, intii lacagtaasi gidaar lagu bixin lahaa waxaa ka wanaagsan in dadka dhibaateysan wax loogu qabto, oo qorshe kale oo amni sugid ah la keeno”.ayuu yiri.
Ugu dambeyn xildhibaanka ayaa talo usoo jeediyay dowlada Kenya, isagoo sheegay in dhaqaalahaasi loo baahan yahay in lagu taageero shacabka ku dhaqan dhanka xuduuda Soomaaliya.
“Waxaa is weydiin leh marka Soomaaliya ay nabad noqoto miyaa la duminayaa waad og tahay ganacsi badan ayaa dhanka xuduuda kasoo gudba”.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

